Fuuqbaxa waxa uu yimaadaa marka uu dareeraha jidhka ka baxayaa uu ka bato dareeraha jidhka galaya, maadaama oo jidhkeena boqolkiiba lixdan uu ka kooban yahay biyo, biyuhu faaidooyin badan ayay jidhka u leeyihiin.
Faaidada Biyaha Jidhka u leeyahay:
- Biyaha waxa ay caawiyaan falgalada (reactions) ka ka dhex dhaca jidhka.
- Waxa ay isku dheelitiraan macdanaha iyo kimikooyinka ka dhex shaqeeya jidhka.
- Waxa laga sameeyaa candhuufta taas oo dheefshiidka u muhiima.
- Waxa uu saliideeya una kala dhexeeya lafaha iyo seedaha.
- Waxa uu joogteeyaan heerkulka ( xaraarada) jidhka.
Akhris dheeraad ah : Faaidooyinka Cajiibka Ah Ee Biyaha!
Khatarta ugu badan yaa ugu jira fuuqbaxa:
Inkasta oo fuuq buxu ku dhici karo cid walba, waxa usii nugul:
- Caruurta yaryar
- Dadka waayeelka ah.
- Dadka la nool xanuunada sida macaanka ama sonkorowga.
Calaamadaha Lagu Garto Fuuqbaxa.
1. Caruurta
- Afka iyo carabka oo qalalan.
- Haraad badan.
- Indhaha oo qalala (Ilmo la’aan)
- Kaadida oo yaraata.
- Indhaha oo gota ( sunken eyes)
- Sinta oo jilicda.
- Oohin iyo diiqad badan.
- Maqaarka oo qalala.
2. Dadka Waawayn
- Haraad badan.
- Madax xanuun.
- Daal iyo dawakhaad.
- Kaadida oo yaraata.
- Midabka kaadida iyo ribbanaanta oo isbadasha.
- Wareer iyo isku buuq.
- Maqaarka oo qalala.
Waxa keena fuuqbaxa:
- Cabitaanka biyaha oo yaraada.
- Cimilada oo kulul.
- Jimicsi badan.
- Shuban.
- Matag.
- Xumad ama qandho saraysa.
- Dhidid farro badan.
Khataraha iman kara haddii fuuqbaxa aan la dawayn:
- Kalyaha oo istaaga.
- Gariir ama qalayl.
- Xubnaha jidhka oo shaqada joojiya.
- Dhimasho.
Ka hortagga Fuuqbaxa:
- Cabitaanka biyo badan.
- Cunista cuntooyinka biyaha badan sida xabxabka (qaraha).
ORS ( Oral rehydration salt)
ORS waa boodhaha loo isticmaalo fuuqcelinta, waxa uu ka kooban yahay macdano ay ka mid yihiin:
- Sodium chloride (milix)
- Glucose
- Potassium chloride
- Trisodium nitrate.
Ilmaha haddii u shubmayo, si aad uga hortid fuuqbaxa waxa aad samaysaa:
1 xabbo oo ORS ta ah ku qas 1-liter oo biyo ah.
- Ilmaha 2 sanno ka yar : 50 to 100 ml sii mar kasta oo uu shubmo.
- Ilmaha 2 ilaa 10 sanno jira: 100 to 200 ml sii mar kasta oo uu shubmo.
- Ilmaha ka wayn 10 sanno : 200 to 400 ml sii mar kasta oo uu shubmo.
Maaraynta iyo Daawaynta Fuuqbaxa.
Ka hortagga fuuqbaxu waa habka ugu fiican ee lagu maaraynkaro fuuqbaxa.
Daawaynta fuuqbaxu waxa uu ku xidhan yahay darnaantiisa, fuuqbaxa fudud daawayntiisu way fududahay, kordhinta cibitaanada fuuq caliya sida biyaha, iyo ORS ta ayaa xalin kara.
Balse haddi fuuq baxu daran yahay ama uu soo jiitamay xarun caafimaad ama dhakhtar ayuu u baahan yahay, halkaas oo bukaanka eegitaan guud lagu sameeyo, la go’aamiyo heer ka fuuqbaxa iyo daawada munaasibka ah.
Baadhitaanada fuuq baxa lagu ogaado waxa ka mid ah:
- Eegitaanka (qiimaynta) dhakhtarka – waxa dhakhtarka uu eegayaa calaamada fuuqbaxa ee kor aynu kusoo sheegnay iyo muuqaalka buukaanka.
- Shaybaadhka kaadida
- Shaybaadhka dhiigga.