Jidhku waxa jira xad nafaqo ah oo u u baahan yahay si uu u shaqeeyo,hadaba haddi ay nafaqada aad qaadanaysid ka yaraato ama ay ka badnaato intaas waxa timaada xaalad loo yaqaan Nafaqo Darro.

Baadhitaan la sameeyay ayaa cadeeyay ina 45% dhimashada caruurta 5ta sanno ka yar ay la xidhiidho nafaqo daro, Sidaas daraadeed ayay muhiim u tahay ina aad nafaqo darada waxay tahay,waxa keena, calaamadaha lagu garto iyo sida looga hortagi karo inaad wax ka bartid.

                                          Calaamadaha Nafaqo Darrada

  1. Cuno xumo ( apitite xumo).
  2. Daal iyo tacbaan badan.
  3. Goorwalba ilmaha oo dhaxmooda.
  4. Niyad jab 
  5. Ilmaha oo aad u dhuubta – taasina ay ka imanayso yaraanta baruurta, muruqyada iyo unugyada jidhka.
  6. Difaaca jidhka oo hoos u dhaca  iyo bogsad ka oo wakhti dheer qaata.
  7. Ilmaha oo koriinkiisu yaraado – jidhka iyo maskaxdaba.

Haddi la dawayn waayona ugu dambayn waxa ay keeni kartaa neefsi la’aan iyo wadno istaag.

                                 Maxaa Sababa Nafaqo Darrada?

  1. Cunto La’aan  – Cuntada jidhkeena gasha waxa aynu u badalnaa nafaqooyin aynu u isticmaalno waxyaalo kala duwan, markaas haddi ay cuntadii jidhkaaga galaysay ay yaraato waxa imanaysa nafaqo daro sidaas daraadeed ayay nafaqo darradu ugu badan tahay dadka dakhligoodu uuna badnayn ama wadamada sabool ka ah.
  1. Cuno Xumo ( apitite xumo) – ayaduna waa ay keeni kartaa nafaqo daro maadaama oo jidhka cuno ku filan uuna helayn.
  1. Xanuun – sida Kansarka, fiixaha, xanuunka kalyaha, beerka ku dhacaa waxa ay saamayn karaan nuugitaanka jidhka uu nafaqooyinka nuugayo ama isticmaal nafaqooyinkaas.
  1. Aqoon La’aan – Inbadan waxa nafaqo darada keenta qofkii oo aan garanayn cuntooyinka uu u baahan yahay ama kuwa nafaqada laga helo.
  1. Shuban iyo matag badan 
  1. Dawooyinka Qaar  ayaa jira sameeya habka uu jidhkeenu u isticmaalo nafaqooyinka. 

                                           Ka Hortagga Nafaqo Darada 

Waxa jirta maahmaah tidhaahda “ Ka hortag ayaa ka fiican daawayn”, inaad ka hortagtid nafaqo darada ayaa inbadan ka fudud daawaynteeda, qodobadan soo socda ayaana kaa caawin doona: 

  1. Xilliga uurka – Ilmaha koriinkiisa iyo nafaqayntiisu waxa ay bilaabmantaa marka uu hooyada uurkeeda ku jiro, hooyo cun cunto nafaqo leh, qaado vitaminada iyo macdanaha dhakhtarkaagu ku soo siiyo, si joogta ah na ula soco dhakhtarkaaga.

Xasuusnowna ilmaha yar xaaladiisa nafaqo iyo ta caafimaadba in badan adiga ayay kugu xidhan tahay.

  1. Naas Nuujinta – Naas Nuujista ilmaha yar aad ayay ugu muhiim tahay laga bilaabo caanaha ugu horeeya ee dambarka loo yaqaan kaas oo uu ka helo difaac badan, ilmahaaga sii naas kaliya ilaa 6 bilood, una wad naas nuujinta ilaa inta uu ka gaadhayo 2 sanno. 
  1. Wax Ka Baro Cilmiga Nafaqada Iyo Cuntooyinka – dhakhtarkaaga kala sheekayso oo waydii cuntooyinka idiin fiican, isku day inaad akhridin ama daawtid maqaalada ama fiidiyawyada  laga sameeyay mawduucan.
  1. Cuntooyin Kala Duwan cuna – Cuntooyinka aad cunaysaan waxa fiican ina ay noqdaan qaar kala duwan, kana fogow ina aad isticmaashid dhawr cunto oo kaliya sababta oo ah tani waxa ay keeni kartaa ina ay kaa yaraadaan nafaqooyinka aan ku jirin cuntadaas.
  1. La soco Xarun Caafimaad : Hadii ay tahay MCH ama dhakhtarkiisa, waxa muhiim ah ina aad lasocotid xaalada caafimaad ee ilmahaaga haddii ay tahay miisaankiisa, dherarkiisa iyo caafimaadkiisa guud, taasi waxa ay kuu sahlaysaa ina aad hore u ogaan kartid una xalin kartid wixii mushkilad ah ee jirta.

Gabagabo :Nafaqo daradu waa xaalad caafimaad oo haddii hore loo ogaado waxbadan laga qaban karo, haddi laakiin lala habsaamo nolosha qafka khatar galinkarta ee ka taxadir.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.