Cadaadiska Dhiiga uu xididada ku dhex marayo marka uu si joogto ah uga sareeyo intii caadiga ahayd oo uuna gaadho 140/80 mmHg ayaa la idhaa Dhiig Kar (Hypertension).

Waana xanuun haddii si sax ah loo dawayn waayo keeni kara faalig, wadno istaag, iyo waliba dhimasho. 

Haddaba, Maqaalkan waxa aan kaga hadli doonaa maaraynta dhiig karka, inaga oo xooga saari doonaa qaab nololeed ka iyo cuntooyinka. 

1. Xaddid (Yaree) Qaadashada Milixda.

Isticmaalka badan ee milixda waxa ay si toos ah ula xidhiidhaa kor u kaca cadaadiska dhiiga (BP), madaamada oo milixdu ka samaysan tahay maadada loo yaqaan sodiumta, taas oo biyaha jidhka ku haysa.

Qiyaasta Maalinlaha ah ee milixda waa 1500mg-2300mg, oo u dhigma qiyaastii 1 mulqaacad yar(tea spoon).

2. Cun Cuntooyin Nafaqo Leh.

Talaabada ugu muhiimsan maaraynta ama ka hortaga dhiig kar ka waxa weeyi sixitaanka cuntada, cun cunto nafaqo leh oo isku dheeli tiran, ka fagow cuntooyinka nafaqada ka aradan ee jidhka wax faaido ah u lahayn. 

Dash Diet : Waa Qaab cunteed loogu talagalay in lagu daweeyo dhiigkarka, Waxa uu xooga saaraa qaadashada khudaarta iyo cuntooyinka qaniga ku ah Calcium ta, Potassium, magnesium, sidoo kalena qaab cunteedkani waxa uu ka digaa qaadashada cuntooyinka cuntooyinka ay ku badan tahay sonkorta, duxda iyo milixda. 

Cuntooyinkan hoos ku qoran waa ay qanni ku yihiin macdanaha calciumta, magnesium, iyo potassium: 

  • Tufaax
  • Muus 
  • Kaaroo 
  • Timir 
  • Cinab 
  • Cananaas 
  • Tuna 
  • Tamaandho (Yaanyo) 
  • Koosto 
  • Sabiib

3. Dhaqdhaqaaqa Iyo Jimicsiga Ku Dadaal.

Joogtaynta jimicsigu faaidooyin badan ayay jidhka u leedahay oo ay ka mid tahay ina dhiiga cadaadiska dhiiga hoos u dhigto.

Dooro jimicsi aad jeceshahay ama kuu fudud sida socodka, guclaynta, ciyaarta kubadda iwm, kadibna samee jimicsigaas oo joogtee.

4. Yaree Ama Jooji Cabitaanka Sigaarka.

Cabista joogtada ah ee sigaarku waxa ay xidhiidh toos ah ay la leedahay wadno xanuunka iyo faaliga, sidoo kale waxa jira baadhitaano sheegay ina sigaarko sababo ina ay dux ku samaysmanto halbawlayaasha dhiiga qaadaa taas oo kicisa dhiiga. 

5. Caafimaadkaaga Guud Si Joogto ah ula Soco.

Si joogta ah ula soco cabiraada dhiiga si aad u ogaan kartid haddi ay wax isbadalaan.

Maahmaah Ayaa Tidhaahda “ Ka Hortagga Ayaa Ka Fiican Daawaynta”. 

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.