Waa maxay cunto isku dheeli Tiran?

Cunto isku dheeli tiran waa sixni cuntada ku jirtaa ay ka kooban tahay cuntooyin iyo nafaqooyin kala duwan, kuwaas oo daboolaya guud ahaan nafaqooyinka jidhkeennu u baahan yahay.

Jidhkeenu waxa uu u baahan yahay nafaqooyin kala duwan, jidhkeenana shaqooyin kala duwan u haya, nafaqooyinkaasi waxa ay kala yihiin: 

Magacafaaidooyinka cuntooyinka laga helo
Carbohydrate – Awood ayaynu ka helnaa -Roodhida
-Canjeerada
– bariiska iyo iwm
Proteins – Koriinka jidhka -Difaaca jidhka-Kaydinta Nafaqooyinka – Hilib
– Digaag
– Kaluun
– Caano
– Beans
 – Digir
– Yoghurt
Duxaha
( Fats) 
– Waxa uu caawiyaa heerkulka jirka 
– Waxa ay la shaqeeyaan dheecaamada jidhka 
– Awood ahaana jidhku waa uu u isticmaali karaa marka uu u baahdo.
– Lawska
– Saliida ( Olive) 
– Fuul Suudaaniga 
– Avocado
-Beedka
 -Kaluunka iyo Cuntada Badda.
Fiitamiinada Iyo Macdanaha– Waxa ay caawiyaan shaqooyinka jidhkeena ka dhex socda.
– Lafaha way adkeeyaan
– Shaqada wadnaha kor ayay u qaadaan.
– Khudaarta sida liimaha,tufaaxa,cambaha,muuska iwm.-Hilibka-Beerka- Lawska – Kalyaha
Biyaha– Fuuq celin
– Nafaqooyinka qaaditaankooda.
– Sumaha ayay jidhka ka sartaa.
– Nafaqooyinka ayay gaadiid u tahay.
Biyaha iyo sharaabada.

Cuntada aan cunayno marka aynu diyaarinayno waxa loo baahan yahay ina ay qaybahaas kala duwan ayka koobnaato, si aynu u helno nafaqooyinka kala duwan ee aynu u baahan nahay.

Sidoo kale waxa muhiim ah ina aynu isku dheelitirka cuntooyinkan oo mid walba inta aynu uga baahan nahay uun ka qaadano.

FG: haddii nafaqada maalintii jidhkeenu u baahan yahay aynu ka yaraysano ama ka badsanno labadaba waxa ay keenaan nafaqo darro (malnutrition)

Markaas si aynu iskula fahano waxa aynu isticmaali doonaa hab laga isticmaalo maraykanka oo loo yaqaan plate method ( habka sixniga) oo kan ah: 

Kasoo qaad shaxdan kor taala ina ay sixni tahay, cuntada sixnigaas ku jirtaa waa ina ay sidaas u habaysnaato.

Kala badh sixniga waxa iska leh khudaarta bisil iyo kuwa aan bislayn, adiga oo u yara. Bbadinaya khudaarta aan bislayn.

Khudaar bisil tusaale waxa u ah :

  • Muuska 
  • Liinta 
  • Cambaha 
  • Tufaaxa iwm

Khudaarta aan bislayna waxa ka mid ah :

  • Xabuubta
  • Baradhada
  • Basasha 
  • Koostada
  • Kaabashka 
  • Kararka iwm.

Qaybta soo hadhayna waxa loo kala qaybinayaa carbohydrates ka iyo proteins ka, carbohydrates ka waxa ka mida :

  • Bariis
  • Baasto
  • Roodhi 
  • Baradho 
  • Galay / faracad
  • Digir.

Protiens kana waxa ka mida : 

  • Hilibka 
  • Digaaga
  • Kaluunka 
  • Beans iwm.

Fikiradda guud waa intaas, sixni kasta oo aynu diyarinayno waxa aynu u baahan nahay ina aynu niyadda ku hayno shaxdan oo halkaas aynu ka xulano cuntooyinka aynu cunayno.

Haddaba, comment xaga hoose nagula wadaag sixni isku dheeli tiran oo aad ka samayn kartid habka sixniga ee aynu kasoo hadalnay……..

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.