Ababinta Caruurta – Ilmaha dhalashada ilaa 4 bilood inta uu ka gaadhayo caanaha uu naaska ka helayo ayaa ku filan kana heli karaa nafaqada uu u baahan yahay, balse marka uu 4-6 bilood gaadho waxa uu u baahan yahay ina caanaha naaska loogu darro cuntooyin kale. 

Qodobadan Hoos ku Qorran Xasuusnow Marka Aad Ilmahaaga Ababinaysid: 

  1. Muhiim weeye ilmaha ina aad Naas- Nuujinta u wadid wakhtiga ababinta – Caanaha naaska sii ilmahaaga dhalashada ilaa inta uu ka gaadhayo 2 sanno. 
  2. Ilmaha yar waxa uu u nugul yahay xanuunada – ilmaha marka uu yar yahay difaaca jidhkiisu wali ma dhama istirna, waxana uu u nugul yahay xanuunada, sidaas daraadeed waxa muhiim ah ina marka aad cuntada u bilaabaysid ilmaha aad hubisid: 
  • Nadaafada ina la ilaaliyo marka cuntada la karinayo, la diyaarinayo iyo marka la siinayo ilmaha si waxa jermis ah u raacin. 
  • Cuntada ilmaha la siinayo waa ina ay ahaata mid isla markaas la sameeyay oon in badan oolin – ku dadaal ina aad cuntada u karisid ilmaha markaa aad rabtid ina aad siisid ama 2 saacadood gudahood ugu badnaan. 

F.G : Hadayna suurtagal ahayna cuntada marka aad siinaysid ka hor karkari, kana taxadir iyada oo qabow ina aad siisid. 

  • Meesha aad ku kaydinaysid ilmaha yar cuntadiisa waa ina ay ahaataa meel qabow, nadiif ah, kuna jirtaa weel si fiican u daboolan.
  1. Cuntada aad ilmaha siinaysid waa ina ay: 
  • Noqotaa mid uu ka helayo Tamar ( Energy source) 
  • Cunto nafaqo leh oo isku dheeli tiran. 
  • Cunto jilicsan oo uu calalin karo. 
  1. Marka ugu horaysa ee aad ababinaysid ilmaha waxa muhiim ah ina aad si tartiib ah ugu bilawdid cuntada, marka hore 1 mar oo kaliya cunto adag sii maalintii, hadana 2 jeer ka dhig, sidaas aayar ka ah u kordhi ilaa inta ugu yaraan 4 jeer maalintii aad ka gaadhaysid. 

Cuntooyinka Ababinta

  1. Cuntooyinka waddaniga ah – Waddan walba waxa uu leeyahay cuntooyin waddani ah oo si fudud looga heli, si joogta ah loo isticmaalo, qiimo jabanna lagu heli karo, cuntooyinkaas waxa ka mida : Sareen, galay, soor, bariis iyo baasto. 
  2. Cuntooyinka firi layda ah sida Digirta iyo Harikoogu waa cuntooyin aad u isticmaali kartid ababinta, waxana ilmaha uu ka heliyaa tamar iyo protien ba. 

Halkan ka akhri Faaidada protein ku jidhka u leeyahay

  1. Cuntooyinka Xoolaha ka imaada sida hilibka, caanaha, yogor ka, beedka iwm. 
  2. Khudaarta sida koostada, kaarooga, baradhada, kaabashka, yaanyada iwm.
  3. Khudaarta bisil (Fruits) sida muuska, tufaaxa, cinabka, qaraha,liinta, maangada iwm. 
  4. Subaga iyo duxaha – waxa uu u baahan yahay ilmaha ina uu inyar uun ka qaato. 
  5. Caanaha – caanaha Naaska iyo kuwa masaasadda. 

Qaybaha cuntooyinka ee kor ku xusan xabad- xabad ayaa u siin kartaa ama waad isku dhex dari kartaa 2 ama 3 cunto oo kala duwan. 

Xaliga Ababinta iyo Miisaanka Ilmaha. 

Xilliga ababinta aad ayay muhiim u tahay ina aad la socotid miisaanka ilmaha, miisaanka ilmaha ayaad ka garan kartaa ina uu nafaqo ku filan jidhkiisu helayo iyo inkale. 

Suaalan hoos ku qoran is waydii haddii miisaanka ilmaha uu kordhi waayo ama uu miisaan ka dhaco:

  1. Ilmaha cunto ku filan ma cunayaa? 
  2. Cuntooyin kala duwan ma cunayaa ilmahu? 
  3. Cuntada nadiif ma tahay? 
  4. Ilmaha ma caafimaad qabaa? 
  5. Ilmaha wali naaska ma siisaa? 

Saliida, Malixda iyo Macaankaba badan ka ilaali ilmaha.

Akhris Dheeraad ah – Ababinta Caruurta

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.