Nafaqo darrada haddii hore loo sixi waayo ama hore loo daawayn waayo waxa ay saamaysaa guud ahaan jidhka, shaqooyinka xubnaha kala duwan iyo guud ahaan tayada nolosha. 

Nafaqo darrada waxa ay xidhiidh la leedahay aqoon la’aanta iyo dhaqaalo yaraanta sidaas daraadeed waxa mihiim ah ina aad fikrad guud ka haysato nafaqo darrada waxay tahay, waxa keena, calaamadaha, daawaynta iyo sida looga hortagi karo. 

Haddaba, Hoos waxa ku taxan qaar ka mid ah khataraha iman kara haddii nafaqo darrada hore loo daawayn waayo: 

1. Koriinka oo istaaga.

Koriinka waxa uu istaaga marka jidhka waayo nafaqooyinka aasaasiga ah ee ay ugu horayso borintiinku, wax yaalaha keena waxa ka mida: 

  1. Qaadashada nafaqo aan ku filnayn jidhka. 
  2. Yaraanshaha qaadashada cuntooyinka jidhka uu awooda ka helo. 
  3. Qaadashada borintiinka oo yaraada. 
  4. Yaraanshaha qaadashada nafaqooyinka yar-yar sida calcium iyo feerada kuwaas oo ka qayb qaada ilaalinta iyo xoojinta lafaha iyo murqaha. 
  5. Habdhiska dheefshiidka oo shaqada yareeya. 
  6. Xanuunada nuugista nafaqada saameeya. 

Si loo saxo nafaqo darraddas:

  1. Waa ina la saxo, la iskuna dheeli tiro nafaqada jidhka galaya.
  2. Daawayn – in la daaweeyo haddii xanuuno ama calaamado dawo u baahan ay jiraan. 
  3. Taageero guud – qofka bukaanka ah waa ina loo fidiyo taageero guud dhinacyada kala duwan ee nolosha sida maskaxda (ina mooraal ka loo dhiso), lagana taageero noloshiisa maalinleed. 
  4. Si joogto ah ina bukaanka loola socdo xaaladiisa caafimaad.
  5. Wax barashada – bukaanka iyo xaafadiisa ina nafaqada aasaasiga ah wax laga barro. 

2. Difaaca jidhka oo hoos u dhaca.

Nafaqo darrada waxa ay sababtaa yaraanshaha soo saarista unugyada difaaca taas oo daaciifisa difaaca guud ee jidhka, jidhkana u nuglaysa xanuunada kala duwan. 

Difaaca jidhka oo hoos u dhacaa sidoo kale waxa uu keenaa: 

  • Nabarada oo bogsan waaya – hadii dhawaac soo gaadho qof difaaca jiidhkiisa uu hooseeyo, nabarka waxa uu qaataa wakhti dheer ina uu bogsado. 
  • Talaalada oo shaqadoodu yaraato – faaidada talaalku waxa y tahay ina ay difaaca jidhku ku cariso ina uu saaro unugyo difaac oo xanuunkaa kaa ilaaliya balse marka uu difaaco hooseeyo ma soo saari karo unugyadaas taasina faaidadii talaalka ayay hoos u dhigaysaa. 

3. Xubnaha waawayn oo shaqada yareeya ama joojiya. 

Nafaqo darrada soo jiidantaa waxa ay saamaysaa shaqada xubnaha muhiimka ah sida wadnaha, beerka iyo kalyaha. 

4. Tamar darro. 

Awood la’aan, daal joogto ah iyo caajis badan ayaa la arkaa nafaqo darada marka ay soo jiidanto. 

5. Lafaha iyo Murqaha oo Daciifa. 

Waxa sababa yaraanta nafaqooyinka sida borotiinka iyo macdanaha sida calcium ta, lafaha way khafiifaan, waxayna u nuglanaadaan jabniin, murqahana awooda ayaa ka tagta oo qofka waa uu hagaasaa. 

6. Tayada Nolosha oo Hoos u dhacda. 

Nafaqo darrada soo jiitantaa waxa ay saamaysaa jidhka iyo maskaxdaba, waxa ay hoos u dhigtaa shaqada wadnaha,kalyahay,iyo maskaxda, sidoo kale waxa ay yaraysaa fahan ka iyo xasuusta, sababtaana daal badan, taasna waxa ay carqalad ku noqotaa qofka bukaanka ah ina uu noloshiisa maalinleed iyo waajib baadkiisa gudankaro sida waxbarashada ama shaqada. 

Akhris Dheeraad ah: Calaamadaha Nafaqo Darrada

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.