Waa maxay shuban? 

Shuban waa saxaro jilicsan oo dhawr jeer maalintii ilmahu dhigayo ( 3 jeer iyo wax ka badan) taas oo ay keeni karaan bacteria ama virus, calaamadna u noqon kara xanuuno iyo cuduro kala duwan.

Maxaa keena shubanka:

  1. Virus: shubanka waxa keeni kara virus jidhka soo gala, kaas oo keeni kara calaamado kala duwan sida:
  • Xumad ama qandho 
  • Matag
  • Yalaalugo ama lalabo.

Balse haddi shubanka uu keenay virus ilmuhu dawr cisho gudahood ayuu kaga bogsanayaa haddii calaammadaha laga dajiyo sidoo fuuq helin loo sameeyo.

Hadaad aragtid ilmaha xaaladiisu ina ay kasii darayso fadlan dhakhtar gee.

  1. Bacteria: waxa jira noocyo badan oo bacteria ah oo keeni kara, inta badana waa qaar ka imaada cuntada aynu cuno iyo xaaladka ku xeersan sida weelka ama gacmaha aynu ku canay.

Gooriyaanka: waa dullin kale oo isna keena shubanka caruurta.

Waxayaalaha kale oo keeni kara shubanka waxa ka mida: 

  • Cuntooyinka sonkortu ku badan tahay – tusaale ahaan cabitaanka sharaab badan.
  • Xanuunada qaar.
  • Xasaasisad cuntada ah.

Fuuq baxu waxa uu ka mid yahay khataraha ugu waawayn ee ka iman kara shubanka haddi hore loola tacaali waayo.

Ilmahaaga calaamadahan hoos ku qoran hadaad ku aragtid waxa aad ogaataa ina uu caawimo dagdag ah u baahan yahay

  • Illmaha oo kaadidii ka yaraatay – xafaayada oo aanad 3 – 4 saacadood wax kaadi ah ama qayaan ah aanad kaa dareemin.
  • Afka iyo carabka oo qalala.
  • Xumad ama qandho.
  • Oohin aanu iilmmuhu ilmaynayn.
  • Dawakhaad ama imaha oo kala daadsan.
  • Indhaha oo gudaha gala.

Gurriga maxaad ku samayn kartaa?

  • Fuuq celin – ilmaha hadaad ku aragtid ina uu shubmayo waxa muhiim ah ina aad ORS ugu qastid biyo oo kaas aad fuuq helin ugu samaysid
  • Sharaab iyo cuntooyiinka macmacaan ka ilaali.
  • Shubanka ka eeg ina uu dhiig ama gooriyaan la socdo.

-Cuntooyinka ilmaha aad siin kartid waxa ka mida: 

  1. Muus
  2. Tufaax
  3. Carrot
  4. Liin 
  5. Caanaha naaska

Marka uu imaha uu shubanku ka yaraado isku day ina cuntadii iyo cabitaankiisii caadiga ahaa aayar aayar ugu bilawdid oo aanad markaliya aanad caloosha ku culaysin.

Ka hortaga shubanka

  1. Gacmaha si joogto ah u dhaqa – ilaa 20 second ugu yaraana saabuun ta isticmaala.
  2. Ilmaha yar nadaafadiisa guud ahaaneed ku dadaal sida dharka, meesha uu ku ciyaaro, seexdo, iyo halka uu wax cuno ba.
  3. Cunto nafaqo leh sii si difaaciisu iskaga difaaci karo xanuunada kala duwan.
  4. Si joogto ah usii biyo ilmaha.  

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.