Macdanaha muhiim ka u ah dumarka ee jidhkoodu aad bay u badan yihiin, kuwan hoos ku qorana waa qaar ka mida:

1. Calcium

Calcium tu waa macdan aad  muhiim ugu ah jidhka, inta badana laga heli caanaha iyo waxyaalaha caanaha laga sameeyo, qiyaastii gabadha miisaankeeda 1% ayaa ah calcium.

waxa ay caawisaa ilkaha iyo lifaha, haddi ay jidhka ka yaraatana waxa iman kara xanuuno ay ka mid yihiin osteoporosis, sidoo kale waxa ay keenaysaa ina ay ilkaha iyo lafaha ay daciifaan una nuglaadaan jabniinka, sidoo kale calcium tu waxa ay la shaqaysaa wadnaha iyo muruqyada. 

Cuntooyinkee laga helaa? 

  • caanaha 
  • Cheese 
  • Yoghurt 
  • Beans 
  • Lawska 

F.G: hadaad rabtid ina kiniin calcium ah aad qaadatid, kalyo xanuunada aad leedahay kala tasho dhakhtarkaaga inta aanad bilaabin.

2. Iron

Iron tu waxa ay qaada oxygen ta, waxa ay caawisaa soo saarista unugyada dhiiga cas, sidoo kale waxa ay taageertaa difaaca jidhka.

Haddi ay iron tu jidhka ka yaraato na waxa iman kara mushkilado badan sida: 

  • yaraanshaha soo saarista dhiiga.
  • Difaaca jidhka oo hoos u dhaca. 
  • Daal badan 
  • Neefsiga oo adkaada. 

Gabadha xilliga caadada waxa ka baxa dhiig badan sidaas daraadeed waxa aad u baahan tahay ina aad kordhisid qaadashada iron wakhtigaas.

Cuntooyinka laga helo: 

  • Khudaarta cagaaran
  • Hilibka 
  • Digaaga 
  • Beans ka 
  • Beerka 

FG: vitamin C gu waxa uu ka caawiyaa jidhka ina uu nuugo iron ta markaas haddi ay iron tu yaraato, qaadashada vitamin C gu waa uu ku caawiyo. 

3. Magnesium 

Magnesium tu waxa ay muhiim u tahay shaqada nerfaha, garaaca wadnaha, difaaca jidhka, sidoo kale waxa ay caawisaa ilaalinta heerka sonkorta ah ee dhiiga ku jirta.

waxa ay muhiim u tahay in ka badan 300 oo falgal oo ka dhexdhaca jidhkeena, yaraan shaheedana waxa ay keeni kartaa mushkilado badan sida matag iyo shuban joogto ah, dhanjaf, iyo ina uu jidhkaaga ku adkaado ina uu nuugo nafaqooyinka kala duwan.

Halkee laga helaa:

  • khudaarta cagaaran 
  • Beans qaar ka mida 
  • Lawska 
  • Avocado
  • Muus ka 

4. Biotin 

Biotin tii waxa loo isticmaalaa soo saarka awooda iyo burburinta amino acids ka iyo carbohydrate ka.

Inkastooy yaraanshaha biotin tu inbadan dhicin balse haddi ay yaraato waxa aad isku arkaysaa timaha oo daata, cidiyaha oo jilca iyo wajiga oo finan yaryar oo cascas kaa soo baxaan.

Cuntooyinka aad ka heli kartid biotinta waxa ka mida:

  • beerka
  • Lawska 
  • Avocado
  • Beedka 
  • Caanaha

5. Zinc

Zinc waxa uu ka difaaca jidhka sumaha soo gala, sidoo kale waxa uu caawiyaa soo saarista unugyada difaaca ee loo yaqaan T-cells kuwaas oo ka difaaca jidhka virus yada.

Sidoo kale waxa uu cawiyaa xinjirawga dhiiga, dhadhanka iyo sonkorta dhiiga ku jirta

Zinc ga jidhka inta uu uga baahan aad bay u yartahay, cuntooyinka aad kaeli kartid na waxa ka mida: 

  • boorashka 
  • Beans ka 
  • Yoghurt
  • Hilibka 
  • Caanaha 
  • Beedka 
  • Chocolate ka madaw.
Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.

One thought on “Macdanaha Muhiim Ka U Ah Dumarka”

Comments are closed.