Qandhada ama xumad waxa loo yaqaanaa marka heer kulka jidhka uu ka bato 100.4°F (38°C), waana hab jidhku iskaga difaaco xanuunada iyo dulinka jidhka soo gala. 

Qandhada laftarkeeda maaha xanuun balse waa calaamad ku tusinaysa ina difaaca jidhka uu shaqaynayo.

Xubnahan ayaa isku dheeli tira heerkulka  jidhka:

  • Maskaxda
  • Maqaarka 
  • Murqaha
  • Xididada dhiiga 

Maxaa sababa Qandhada? 

  • Xanuunada faafa.
  • Dawooyinka qaar. 
  • Dhiig ku shubis. 
  • Xanuunada Maskaxda ku dhaca qaar ka mida. 
  • Xanuunada difaaca jidhka ku dhaca qaar ka mida. 
  • Talaalka. 

Maxaad ku garan karaa ilmaha ina uu Qandho hayso? 

Qandhada waxa lagu cabiraa qalab loo yaqaan “Thermometer” kaas oo kuu sheegaya heer kulka jidhka inta uu yahay. 

inkasta oo hooyoyin badan ka qiyaas qaataan taabashada ilmaha dhafoorkiisa, halkaas oo ay  ka dareemi karaan ina ilmaha uu kulul yahay iyo in kale, waxa ka sii fiican ina aad isticmaashid cabiraha qandhada (thermometer). 

Ilmaha waxa la odhan karaa qandho ama xumad buu leeyahay haddii akhriska cabiraha xumadu noqdo ama uu ka bato 100.4°F (38°C).

Halkan ka daawo si aad u qaadi kartid xumada.

Sidee ayaad Qandhada gurigga ugu maarayn kartaa? 

Ilmo kasta oo ay xumadi haysaa uma baahna dhakhtar, kolkol waxa uu u baahan yahay kaliya  ina wakhti la siiyo difaaca jidhku kula dagaamo dulinka soo galay, Wakhtigaas ilmaaga waxa aad ku taageri kartid waxa ka mida: 

  • Ilmaha ina aad dhar khafiifa ama fudud u galisid. 
  • Ilmaha Cabitaan badan sii si uuna u fuuq bixin. 
  • Ilmaha Biyo diiran ugu qubee. 
  • Nasasho badan – ku dhiiri gali ina uu iska nasto maalintaa. 
  • Ha siin ilmaha dawada Aspirin ta loo yaqaan. 
  • Dawooyinka aad siin kartid waxa ka mida Paracetamol iyo Ibuprofen.

Goorma Ayuu Ilmaha u Baahan Yahay Ina aad Dhakhtar Gaysid?

Dhakhtar ugee ilmaha hadaad ku aragtid calaamadahan hoos ku xusan. 

  • Ilmaha 3 bilood ka yar. 
  • Cuntada iyo cabitaanka oo yaraada. 
  • Ilmaha oo dabeecadiisu is badasho sida daal badan iyo oohin badan. 
  • Qandhada oo laba cisho wax ka badan ku haysa. 
  • Qiyaasta qandhada oo ka badata 40°C.
  • Matag badan. 
  • Neefsiga ilmaha oo ay wax iska badalaan (bata ama yaraada) 
  • Gariir ama qalal. 
  • Kaadida oo midab keedu is badalo. 
  • Barar.
  • Calaamadaha fuuq baxa hadaad ku aragtid. 

Akhris Dheeraad ah: Qalabkan Caafimaad Waa Muhiim Ina Ay Gurrigaaga Yaalaan!

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.