Dhibaatooyinka Dharaga leeyahay

Cuntadu jidhkeena lagama maarmaan ayay u tahay oo halka aynu awooda ka helno weeyaan, laakiin marka aad cuntid in ka badan baahidaada ( dharaga) waxa taasi ay keeni kartaa dhibaatooyin kala duwan.

Dhibaatooyinkaasi waa qaar in badan uu ka digo cilmiga science ku, iyo waliba diinteena, hadaba maanta waxa aynu isla eegi doonaa qaar ka mid ah dhibaatooyinka Dharaga (cuntada oo aad iska badisaa) uu keeno: 

1. Baruur Badan Ina Ay Ku Korto Ayuu Sababaa

Jidhkeenu waxa jira xad nafaqo ah oo uu u baahan yahay taas oo uu ka helo cuntada aynu cunayno, cunto badan marka aynu cuno xadkaasi meesha waa uu ka baxaa oo jidhkeenii nafaqo badan ayaa gasha oo ka badan intii uu u baahnaa, taasina waxa ay keentaa ina uu kaydin sameeyo.

Jidhka waxa uu kaydiyaa wixii nafaqo  ku saaid ka ahaa taas oo inta badan loo kaydiyo baruur ahaan.

2. Dharagu Waxa Uu Saameeyaa Shaqada Maskaxda.

Baadhitaano Badan oo la sameeyay ayaa xidhiidh ka dhaxaysiiyay Dharaga badan ee joogtada ah iyo yaraanshaha shaqada maskaxda marka uu qofku waynaano.

Maadaama oo 60% duxda jidhkeena gasha maskaxdu isticmaasho waxa ay sheegeen isticmaalka duxaha fiican sida avocado,kaluunka iwm ina uu yarayn karo khatartan.

3. Jidhka Waxa Ay U Horseedi Kartaa Xanuuno Badan.

Sida aynu kor kusoo sheegnay dharaga badan waxa uu keenaa baruur ( cayilnaan) culayska jidhkuna waa uu ka badanayaa intii laga rabay taas oo kuu horseedi karta xanuuno badan sida: 

  • Dhiig karka 
  • Macaanka (Sonkorowga) 
  • Wadno Xanuun 
  • Hurdo Yaraan 
  • Caajis 
  • Daal Badan 
  • Iyo Tayada Nolosha Oo Guud Ahaan Hoos U Dhacda 

4. Dharaga badani Waxa Uu Yareeyaa Dheefshiidka.

Dharaga badani waxa uu saaraa culays badan dheefshiidka, taasina waxa ay keentaa ina cuntada si fiican loo dheefshiidi waayo, iyo sidoo kale calaamado kale sida yalaalugo ( lalabo), matag, dibiraad iwm.

5. Caajis Iyo Daal Badan.

Dharaga badan waxa uu keenaa hurdo, caajis iyo daal.

Inkasta oo kolkol iska caadi tahay ina aad iska caajistid ama seexatid, marka ay noqoto xaalad joogta ah waxa ay saamaynaysaa tayada guud ee nolosha. 

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.