Kalluunka iyo guud ahaan cuntada baddu waxa weeyi cuntooyin qani ku ah nafaqooyin badan oo jidhku u baahan yahay, faaidooyinkaas waxa ka mid ah : 

1. Cunnida Kalluunka Shaqada Maskaxda Ayay Kor U Qaadaa. 

Kalluun ka waxa uu caawiyaa shaqada maskaxda, sidoo kale xasuustana kor ayuu u qaadaa sida baadhitaan la sameeyay uu cadeeyay, sababtuna waxa ay tahay nafaqooyinka badan ee ku jira sida omega 3 ga. 

Cunitaanka kalluunku sidoo kale waxa uu yareeyaa xanuunka Niyyad-Jabka (depression) kaas oo baadhitaano badan cadeeyeen ina dadka kalluunka cuna uu ku yaryahay xanuunkani marka la barbardhigo dadka aan cunin.

2. Kalluunka Indhaha Iyo Aragtida Wuu u Fiican Yahay.

Nafaqooyinka badan ee ku jira awadeed kallun ka waxa uu u fiican yahay aragtida, gaar ahaan dadka waawayn marka ay gaadhaan heerka aragtidu ay yaraato, sababtuna waxa ay tahay omega 3 ga iyo nafaqooyinka kale ee  kalluunka ku jirta.

3. Tayadda Hurdada Kor Ayuu u Qaadaa.

Hurdo la’aanta ama hurdo xumado waa xaalad saamayn karta tayada nolosha, waxay keeni kartaa madax xanuun, dawakhaad iyo isku buuq.

Khubaraddu waxa ay idhaahdaan cunitaanka kalluunka ugu yaraan 3 jeer weegii waxa uu kor u qaadaa tayadda hurdada. 

4.Kalluunku Waxa Uu Qani Ku Yahay Nafaqooyin Badan.

Nafaqooyinkaas waxa ka mid ah protein, fitamino iyo macdano kala duwan oo ay ka mid yihiin fitamin D, iodine iyo omega 3 oo lagama maarmaan u ah shaqada maskaxda iyo xubnaha kale ee jidhka. 

Sidoo kale duxaha ku jira kalluunka waa duxo caafimaad qaba jidhkana u fiican,dawr muhiim ah na ka ciyaara shaqooyinka ka dhex socda jidhkeena,  waxana lagu taliyaa qaadashadooda 2-3 jeer weegii. 

Faaidooyinka kale ee uu kalluunku leeyahay waxa ka mida: 

  1. Difaaca jidhka oo uu kor u qaado. 
  2. Xiiqda (Asthma) ina uu yareeyo. 
  3. Waxa uu yareeyaa khatarta wadno istaago iyo faaliga. 
  4. Kalluunka waa lagama maarmaan xilliga korriinka uu socdo. 
  5. Samaynta kalluunka aad bay u fududahay, dhadhankiisuna aad buu u macaan yahay. 

Sidoo Kale Akhri – Daryeelka Xilliga Uurka

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.