Proteins ku waa qayb ka mid ah nafaqooyinka waawayn ee lagama maarmaan ka u ah jidhkeena, kuwaas oo inoo qabta faaidooyin badan oo ay ka mid yihiin : 

Koriinka jidhka : 

Lafaha, murqaha, maskaxda iyo unugyada kale ee jidhku koritaankooda waxa qayb laxaad leh ka ciyaara protien ka.

Difaaca Jidhka 

Protien ka waxa laga sameeyaa dheecaano la dagaalama xanuun sidayaasha marka ay jidhkeena soo galaan.

Kaydinta Nafaqooyinka

Waxa jira protienada qaar kaydiya nafaqooyinka sida Ferritin oo kaydisa ironta.

Awooda ( energy) baa laga helaa

Protiens jidhku haduu u baahdo inta uu burburiyo ayuu awood ahaan u isticmaali karaa, awooda aad ka helaysaana waxa ay u dhigmi kartaa ama leekaan kartaa ta carbohydrate ka laga helo.

Protienku gaadiid ayuu u noqdaa nafaqooyinka kale

Protiens ku waxa ay qaadaan vitaminada iyo macdanaha dhiig mareenka dhexdiisa.

Haddaba, cuntooyinkan hoos ku qoran ayaad ka heli kartaa pritien: 

  1. Hilib 
  2. Digaag 
  3. Kaluun 
  4. Caano 
  5. Beans 
  6. Laws 
  7. Beed 
  8. Digir 
  9. Yoghurt 
  10. Cheese 

Maxaa Dhacaya hadaan yareeyo qaadashada protienka? 

Haddii protienka jidhkaaga galayaa ka yaraado intii loogu talagalay taasi waxa ay keeni kartaa mushkilado caafimaad oo khatar ka iyo cuduro ay ka mid yihiin: 

  1. Koriinka qofka oo yaraada gaar ahaan caruurta 
  2. Difaaca jidhka oo hoos u dhaca taas oo kuu nuglaynaysa xanuunada.
  3. Qofka oo aad u caatooba ama murquhu dhamaadaan 
  4. Nabarada oo bogsad koodu yaraado.
  5. Mararka qaarna barar ayaad ku arkaysaa, kolkol aad ku qaldi kartid baruur.

Calamadaha kor ku xusan fadlan si fiican u akhri, kana eeg xaafadaada oo dhan gaarahaan caruurta yaryar madaama oo ay iyagu xoog ugu nugul yihiin nafaqo daradan.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.