Waxa jira waxyaalo badan oo sababa calool istaaga sida cuno xumada,xanuuno, dawooyinka qaar iyo jimicsi la’aan, waxaana muhiim ina aynu ka taxadirno calool istaaga si aynu saamaynta daran ee uu keeno uga hortagno.

Calool istaagu haddii la dawayn waayo waxa uu keenaa samayno khatara oo ay ka mid tahay babaasiirtu.

Talooyinkan Raac Haddi Calooshu Ku Taagan Tahay: 

1.Kordhi Cabitaanka Biyaha

Faaidooyinka biyuhu jidhka u leeyihiin aad bay u badan yihiin, faaidooyinkaas waxa ka mida ina dheefshiidka ay ka qayb qaataan, markaas haddi midhiciradu waayaan biyo ku filan oo ay qashin saaraan dabcan saxaradu way adkaanaysaa, calool istaagna wuu imanayaa, sidaas daraadeed ku dadaal ina aad si joogto ah biyo u cabtid.

Hadaad tahay dadka ilaaba inay biyaha cabaan akhri maqaalkan.

2.Cuntooyinka Balka Leh Cun

Cuntooyinka balka leh waxa ka mida beans,boorashka iyo lawska.

Qaadashada cuntooyinkaas dheefshiidka way u fiican yihiin, sidoo kale faaidooyin kalena way u leeyihiin, wax ka mida: 

  • Saxarada Waa ay Jilciyaan.
  • Caafimaadka midhicirada kor bay u qaadan.
  • Cholesterol ka hoos bay ay dhigan.
  • Sonkorta hoos bay ay dhigaan.

3. Qaadashada Khudaarta Kordhi 

Ku dadaal isticmaalka joogtada ah ee khudrada, taasi jidhka waxa ay ka caawinaysaa ina uu macdano,fitamino,biyo helo, sidoo kale waxa jira khudrado aad ka helaysid bal ( fiber) sida liimaha.

4. Ku Dadaal Jimicsiga 

Jimicsigu waxa uu ka shaqaysiiyaa muruqyada, caafimaadka midhicirada iyo guud ahaan dheefshiidka, sidaas daraadeed haddi dhaqdhaqaaq jidhka ku filan aanad samayn midhicirkaagu waa uu caajisaa oo shaqadiisa si fiican uma qabto.

Isku day ina aad ugu yaraan maalintii 30 daqiiqo socotid.

5.Qaadashada Dawooyinka Qaar: 

 Haddi aad dawo qaadatidna  hubi ina dawadaas aad qaadanaysid aanay calool istaag keenin, dhakhtarkaaga waydii ama waraaqada ku jirta dawada ( Leaflet) ka akhri inay dawada saamaynta jaanibiga ah (side effect) ay ku jirto calool istaag, haddii ay ku jirto xasuusnaw ina dadaal dheeraad ah lagaaga baahan yahay si aad uga hortagtid calool istaaga.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.