Xilliga uurka waa wakhti xasaasi u ah hooyada iyo ilmahaba, waana xilli nafaqooyinka ay hooyadu u baahan tahay ay korodho, sidaas daradeed waxa muhiima ina hooyada cuntada ay cunaysaa isku dheeli tirnaato. 

Nafaqooyinka muhiimka ah xilliga uurka waxa ka mida: 

1. Folic Acid 

Folic acid waa fitamin B9 ka warshadaysan, waa kiniini ay muhiim tahay ina ay hooyada uurka leh ay qaadato, bilawdana uurka inta ayna qaadin  ka hor. 

faaidooyinka jidhka folic acid dha ay u leedahay waxa ka mida: 

  1. Daawaynta yaraanshaha feerada (Iron) 
  2. Waxa ay yaraysaa khataraha wadno xanuunka. 
  3. Macaanka ayay caawisaa. 
  4. Samaysanka maskaxda ilmaha ayay ka qayb qaadataa. 
  5. Kalyo xanuunka ayay caawisaa 
  6. Caabuqa ayay hoos u dhigtaa. 

Cuntooyinka vitamin B9 ka laga helo waxa ka mida: 

  • Koostada 
  • Beedka 
  • Kale ka 
  • Broccoli 
  • Beerka lo’da 
  • Liimaha 
  • Avocado ha. 

FG: Kiniiniga Folic acid dha waxa aad ka helaysaa xanaanooyinka iyo xarumaha lagu daryeelo hooyada iyo dhalaanka. 

2. Calcium 

Calcium ta waxa ay muhiim u tahay xoojinta iyo kobcinta lafaha ilmaha iyo hooyadaba. 

Ilaha laga helo calcium ta waxa ka mida: 

  • Caanaha
  • Cheese 
  • Yoghurt 
  • Broccoli 
  • Kale 
  • Koosto
  • Kalluunka 
  • Beans

FG: Hooyada uurka leh waxa ay u baahan tahay 1000mg calcium ah. 

3. Fitamin D 

Fitamin D ga waxa uu la shaqeeyaa calcium ta, waxana uu xoojiyaa lafaha iyo murqaha.

Isha ugu muhiim san ee fitamin D ga laga helo waa cadceeda, ku dadaal ina aad cadceesatid si joogto ah.

Cuntooyinka laga helo fitamin D ga waxa ka mida: 

  • Kalluunka 
  • Liin macaanta 
  • Caanaha 
  • Beedka. 

Hooyada uurka leh waxa ay u baahan tahay ilaa 600 IU oo fitamin D ah. 

4. Protein 

Protein ka waxa uu muhiim u yahay koriinka unugyada iyo xubnaha. 

Halkan ka akhri Faaidooyinka Protienka

Cuntooyinka laga helo: 

  • Hilib 
  • Digaag 
  • Kaluun 
  • Caano 
  • Beans 
  • Laws 
  • Beed 
  • Digir 
  • Yoghurt 
  • Cheese 

FG: Maalintii hooyada waxa ay u baahan tahay 71g oo protein ah. 

Akhris dheeraad ah: Daryeelka Xilliga Uurka

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.