Gooriyaanka waa maxay?

Gooriyaanka waa nooc dulinka ka mida oo ku dhex nool noole kale.

Martigaliyaha gooriyaanku uu dhex noolyahay waxa uu la qaysadaa nafaqada iyo tamarta.

Gooriyaanka inta ugu badan laga helo caruurta waxa loo yaqaanaa Pinworm.

Pinworm ku khatar caafimaad oo wayn ilmaha kuma leh balse cuncun badan ayu ku keenaa gaar ahaan habeenkii.

Sawirka gooriyaanka (pinworm).

Gooriyaankani side ayuu u faafaa?

Gooriyaankan waxa uu inta badan jidhka kasoo galaa afka ( cuntada ama biyaha), kadibna waxa uu dagaa midhicirka wayn, halkaas oo uu ka nuugo nafaqada uuna ku noolaado, waxa uu kasoo baxaa midhicirka habeenkii si uu u dhalo ukun cusub, ukun taas waxa uu saaraa inta labada badhyood u dhaxaysa, taas oo ilmaha ku keenta cuncun badan.  

Gooriyaankani waxa uu faafaa marka ilmaha uu dabada xoqo, taas oo keenta gooriyaanka ina u u cidiyaha hoostooda uu galo, kadibna halkaas uu ka galo afka marka uu ilmaha wax cuno.

Gooriyaankani sidoo kale waxa uu kaa soo raaci karaa cuntada, biyaha iyo ciida.

Inta ugu bandanna waxa laga helaa meelaha biyaha ama cuntado nadiif ayna ahayn.

Calaamadaha lagu garto.

  1. Yalaalugo ama laba labo.
  2. Abiteed xumo ( cunto yaraan)
  3. Shuban
  4. Calool xanuun
  5. Miisaanka oo ka dhaca.
  6. Daal badan
  7. Finan jidhka kasoo baxa.
  8. Qandho ama xumad.
  9. Dhiig yaraan.
  10. Korrinka oo yaraada ama istaaga.
  11. Cuncun dabada ah gaar ahaan habeenkii.

Ma u baahan tahay inaad ilmaha u gaysid dhakhtar hadaad calaamadahaas ku aragtid?

Haa, dhakhtar gee si loo baadho ilmaha, loo ogaado nooca goriyaanka, daawo munaasib ah na loo siiyo.

Baadhitaanada lagu ogaado gooriyaanka

  • Shaybaadh saxaro.
  • Shaybaadhka dhiiga
  • Shaybaadhka xabagta – taas oo ah ina xabag dabada lagu dhajiyo, xabagtaas ayaa lagu hoos eega waynayso (microscope).

Daawaynta.

Gooriyaanka daawayntiisu way fududahay, dhakhtarka iyo xanaanada labada dawaba waad ka heli kartaa:

  • Albendazole
  • Mebendazole

Ka hortagga

  1. Iska ilaali cuntada qaydhiin.
  2. Ku dadaal nadaafada marka aad karinaysid cuntada.
  3. Si fiican u dhaq weelka aad wax ku karinaysid, iyo kaad ku cunaysid labadaba.
  4. Iska ilaali ina aad cagaag ku socotid ciida.
  5. Nadiifi oo iska qaad qashinka sida ugu dhakhsaha badan.

Akhris dheeraad ah : Sidee Ayaad Miisaanka Ilmahaaga U Kordhin Kartaa?

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.