Ma ogtahay ina toonta dadkii hore u isticmaali jireen dawo ahaan!! Taas ayaa keentay si joogto ah ina loo baadho faaidooyinka toonta jidhkeena u leedahay, waxana ka mida  faaidooyinkaas: 

1. Kor U Qaadista Difaaca Jidhka 

Baadhitaano badan oo la sameeyay waxa ay sheegeen ina dadka cuntada ku karsada toontu khatarka ina uu cancerka midhicirku ku dhaco ay yaraato. 

Sidoo kale qaadashada toonta xilliga aad leedahay hargabka ama durayga waxa ay ka caawinaysaa jidhkaaga ina uu la dagaalamo xanuunkaas.

Xanuunada maruqyada, laabatooyinka, iyo jilbo xanuunkaba saliidaha ugu fiican ee lagu duugo waa saliidaha ka samaysan toonta maadaama oo ay yareeyaan caabuqa. 

2. Caafimaadka Wadnaha 

Qaadashada toontu waxa ay saamaysaa cadaadiska halbawlayaasha iyo xididada dhiiga, taas oo keenta ina cadaadiska dhiiga (blood pressure) ku hoos u dhigto.

3. Nafaqooyin Badan Ayaa Laga Helaa

Toonta nafaqooyinka ku jira waxa ka mida: 

  • Manganese 
  • Vitamin B6 
  • Vitamin C 
  • Selenium 
  • Fiber 
  • Calcium 

Iyo qaar kale oo badan.

4. Maqaarka Iyo Timaha

Macdanaha iyo nafaqooyinka badan ee ku jira toontu waxa ay sidoo kale u fiican yihiin timaha iyo maqaarka, sidaas daraadeed ayaad arkaysaa shambooyo iyo saliido badan oo laga sameeyay toon. 

Waxa la idhaa sidoo kale toonta oo aad toos u marisid madaxa waxa ay caawisaa daadashada timaha, finanka oo aad ku xogdaana way yaraysaa finanka.

Fiiro Gaara: Marsashada toonta jidhka olol ayay ku keentaa sidaas daraadeed waa ina aad si taxadir leh u isticmaashid.

5. Ilaalinta Cuntada

Toontu waxa ay dishaa bacteria noocyo ka mid ah oo keeni kara sumaw sida salmonella iyo E.coli.

Bacteria daas sidoo kale waxa aad iska ilaalin kartaa adiga oo hubiya ina habka aad cuntada u diyaarinaysid uu yahay mid munaasib ah.

Waxa aan uga jeedaa ina ay nadiif tahay meesha aad ku diyaarinaysid cuntada, midida iyo qalabka aad isticmaalaysid iyo waliba weelka aad ku ridaysid ay nadiif yihiin, ugu dambayna gacmo nadiif ah aad ku cuntid.

Digniin

 Inkastoo oo toontu faaidooyin badan jidhkeena u leedahay, fiican tahayna ina aynu cuntadeena si joogta ah ugu karsano hadana wax walba dhexdhexaadka ayay ku fiican yihiin markaas iska ilaali ina aad isku badisid.

Coloosha oo ku xanuunta ama olol aad ka dareentid waxa aad ku garan kartaa ina aad isku yara badisay. 

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.

One thought on “Faaidooyinka Toonta”

Comments are closed.