Faaidooyinka Koostad

Koostada faaidooyin badan ayay leedahay oo aynu maqaalkan kaga hadli doono, sidoo kale waa cunto si yaabo kala duwan aad u samayn kartid, waad karin kartaa, waad huurin kartaa, sidoo kale sharaab baad ka dhigan kartaa macaan. 

Faaidooyinka Koostad

Haddaba, Faaidooyinka koostada jidhka ay u leedahay waxa ka mida: 

1. Koostada Waxa Ay Ka Hortagtaa Calool-Istaaga

Koostada waxa ay ka kooban tahay 91% biyo ah, iyo in kabadan 2 gram oo bal ama gal ah( Fiber) kuwaas oo la shaqeeya midhicirada, jilciyana saxarada. 

2. Xoojinta Lafaha

Koostada waxa ku jira nafaqooyin kala duwan sida Osteocalc, vitamin K, calcium iyo vitamin D kuwaas oo dhamaan caafimaadka lafaha kor u qaada, sidoo kale xoojiya.

Nafaqoyinka kale oo ku jira koostada waxa ka mida potassium, magnesium, iyo vitamin C. 

3. Caafimaadka Indhaha

Koostadu waxa ay qani ku tahay  lutein, zeaxanthin kuwaas ah maadooyinka madabka cagaarka ah keena, sidoo kale indhahana waa ay la shaqeeyaan oo qaab dhismeedka guud ayay xojiyaan sidoo kale aragtidana way caawiyaan. 

Koostada sidoo kale waxa ku jirta vitamin A oo ah vitaminka aragtida. 

4. Difaaca Jidhka Kor Ayay U Qaada.

Koostadu sidoo kale waxa ay kor u qaadaa difaaca jidhka oo waxa ay ka caawisaa ina uu jidhku la dagaalamo dulinka il ma’aragtiga ah sida bacteria da.

Nafaqooyinka koostadu ku jira ee shaqadan qabtana waxa ka mida vitamin A, zeaxanthin iyo lutein.

5. Caafimaadka Wadnaha

Maadada luteinta ee ku jirta koostadu waxa ay ka hortagtaa adkaanshaha  halbawlayaasha, taas oo ay keento isticmaalka badan ee hilibka. 

Adkaanshaha halbawluhu waxa uu keenaa wadno istaag, waxana ka hortagta kosstada. 

Faaidooyinka kale ee koostada waxa ka mida:

  • Awood ina aynu ka helno. 
  • Fuuq celin ayuu inoo sameeyaa maadaama oo 91% oo biyo yahay.
  • Dhiig yaraanta ayuu cawiyaa 
  • Cancer ka ayuu ka hortagaa. 

Sidoo Kale Akhri – Faaidooyinka Cajiibka Ah Ee Toonta

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.