Ilmaha oo cunada diida waa warwarada ugu wayn oo hooyoyinka haysta, “ ma Gaajoonayo” “ma rabo” iyo mararka qaar “Ilmaha oo ooyaba marka uu cuntada arko” hooyoyinka soomaaliyeed way ka daaleen.

Cunno Xumada Waxyaalaha Keena Waxa Ka Mid Ah: 

  • Calool Istaag – cuno xumadu waxa ay ka mid tahay calaamadaha lagu garto calool istaaga, markaas haddi ilmahaagu 2-3 dii cisho ba hal mar uun saxaroonayo taasi waxa aad ku ganaysaa ina ilmaha calooshu taagan tahay.

Marka aad Calool istaagaas daawaysidna, cuno xumaduna way xalismaysaa.

  • Gooriyaanka Caloosha – Caruurta gooriyaanka caloosha ku jiro iyagana cunno xumo waad ku arkaysaa, waxana muhiim ah ina gooriyaankaas la daweeyo si ilmuhu cunnada ugu soo noqdo.
  • Jimicsi Yaraan – haddi dhaqdhaqaaqa ilmuhu yar yahay ama inbadan uuna ciyaarin waxa ay sababaysaa ina jidhku uuna awood badan isticmaalin taasina waxa ay keenaysaa ilmuhu ina uuna gaajoonin.

Sidaas daraadeed ilmahaaga ku dhiiri gali ina uu ciyaaro.

Wax Yaalahan Samee Haddii Aad Ilmahaaga Uu Kaa Cuno Xumaado:

1.Cunto yar u rid: 

Sixni Cunto ah oo buuxa oo lagu soo hordhigo adiga oo aan niyad u hayn cuntaba waa niyad-jibis caruur iyo dad waawaynba, markaba waxa aad ka fikiraysaa “ Cuntadan oo dhan sideed u dhamayn” taas oo xiisahii dhadhanka meesha ka saaraysa.

Sidaas Daraadeed Xasuusnaw : Ilmaha haddii uu cuno xun yahay ina aanad signiga uu cuntada ku cunayo u buuxin.

2.Saliida Ka Yaree Cuntada Marka Aad Samaynaysid: 

Cuntada saliidu ku badan tahay dibiro badan ayay keentaa waxa ayna kaa hor istaagaysaa cuntada, markaa wax yaalaha la shiilo ka yaree caruurta sidoo kale saliida cuntada ka yaree marka aad karinaysid.

3. Ilmaha Cuntooyinka uu jecel yahay sii 

Ilmahaaga hadaad u fiirsatid waxa jira cuntooyinka qaar uu xiiseeyo ama uu ka jecelyahay cuntooyinka kale.

Cuntooyinka ilmuhu uu jecel yahay siintoodu way kaaga fududaanaysaa kuwa aanu jeclayn marka la barbardhigo.

Sidaas daraadeed list garayso ilmahaaga cuntooyinka uu xiiseeyo oo kuwaas sii mararka uu cunnada diidaayo.

4.Caanaha ka Yaree 

Ilmuhu hadii uu 3 sanno uu ka wayn yahay maalintii 2 koob oo caano ah ku filan, wixii intaa kabadan ilmaha cuntada ayay ka hor istaagayaan wayna dharginayaan, markaas caanaha kusoo koob uun 2 jeer maalintii oo aan ahyn wakhtiyada uu cuntada cuno.

Sidoo kale biyaha iyo sharaabka cuntada lala cunaana ilmaha way dhargiyaan sidaas daraadeed biyaha iyo sharaabka sii 30 daqiiqo ka hor cuntada ama cuntada kadib.

5. Ilmaha Ciyaarsii 

Cuntada aynu cuno jidhkeenu marka la burburiyo kabacdi waxa uu u isticmaalaa awood, awoodaas jidhkeenu waxa uu isticmaalaa marka uu shaqo qabanayo.

Haddii guriga uun joogo ilmuhu, ama tv ga uun daawado oo uuna socsocon wakhti dheer ayay qaadanaysaa cuntada uu cuno ina ay jidhkiisa ka baxdo taasina waxa ay yaraynaysa baahida ilmuhu u qabo cuntada.

Akhri : Wax Ka Baro Nafaqo Darrada

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.