Calaamadaha nafaqo darradda ina aad taqaanid aad ayay u muhiim tahay sababta oo ah nafaqo darada waa xaalad caafimaad oo wadamada africanka ah aad loogu arko. 

Baadhitaan la sameeyay waxa lagu ogaaday ina 28 million oo caruur african ah koriinkoodii u istaagay nafaqo darro awadeed.

Hadaba waa kuwan qaar ka mid ah calaamadaha nafaqo darradu : 

1. Miisaanka 

Miisaanka oo dhacaa waa calaamadaha ugu horeeya ee lagu garan karo nafaqo darrada, gaar ahaan miisaan dagdag (dhawr bilood gudahood) ku dhaca iyada oo sababi jirin.

2. Ilmaha oo abitite kii ka tago

Cuntadii oo ilmihii diido goorwalba, ooyo marka aad siisid, iska soo tufo na iyana calaamad way u noqon kartaa nafaqo darrada.

3. Daal goorwalba 

Ilmaha oo si joogta ah u daalan, caajisan, sidii aad uga baratay u ciyaarayn.

4. Xanuun Badan

Nafaqo darrada sidoo kale waxa ay keentaa xanuun joogta ah taas oo ka imanaysa difaaca jidhka ee hoos u dhacaya maadaama oo jidhkeenii nafaqadii uu u baahna helaynin. 

5. Dhaxan Badan

Dhaxan iyo qabow joogta ah, ilmaha oo goorwalba raba buste ama dhar culus ina uu xidhnaadona iyana waa calaamad kale oo aad ku garan kartid nafaqo darrada. 

6. Korrinka oo joogsada ama yaraada.

Waa calaamad kale oo aad ku garan kartid nafaqo darrada, sidaas daraad ayay aad u muhiim tahay ina aad ilmaha miisaankiisa si joogta ah ula socotid.

          “Ka Hortag Ayaa Ka Fiican Daawayn”

7. Nabarada Oo Hore U Bogsan Waaya

Marka ay nafaqadu ilmaha ka yartahay waxa aad ku arki kartaa ina haddii uu nabar soo gaadho, nabarkaasi hore u bogsanayn oo uu wakhti dheer uu qaadanayo.

Maxaa Xala Hadaad Calaamadahan Aragtid? 

  • Ilmaha gee xarun caafimaad sida ugu dhakhsaha badan.
  • Dib u eegis ku samee cuntadiisa oo isku day cunto isku dheeli tiran ina aad siisid. 
  • Raac talooyinka iyo tilmaamaha dhakhtar ku siiyo. 
  • Ilmaha ka ilaali ina uu fuuq baxo oo biyo si joogta ah u sii. 

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.