Suasha ugu badan ee ay hooyoyinku is waydiiyaan waxa weeyi Ilmahayga talow sideen miisaankiisa u kordhiyaa? Sideen u cayiliyaa?

Waxa jiro dhawr shay oo aad samayn kartid markaas haddii aad rabtid ina aad miisaanka ilmahaaga kordhisid, waxana ugu horeeya ina aad suaashan marka hore is waydiisid: 

“ Sababta aad u rabtid ina aad ilmaha miisaankiisa kordhisaa waa maxay? Ilmahaaguna ma u baahanyahay miisaan korodh?”

Dhaqankeena iyo bulshadeenuba waxa ay dhiiri galiyaan buurnida (cayilka), sidaas daraadeed waa ina aynu iska hubino horta ina buurnida aynu rabno ilmuhu u baahan yahay iyo inkale.

“Buurni oo dhani caafimaad kama turjunto” 

Miisaanka ilmaha goorwalba waxa loo eegaa da’diisa iyo dherarkiisa, markaa suaasha saxda ah ee ina aynu is waydiino ay tahay waxa weeyi 

“ Ilmahayga miisaankii laga rabay ma joogaa?”

Intaa kadib waa kuwan dhawr shay oo kaa caawin kara ina aad ilmahaaga miisaankiisa hor u qaadid: 

1. Cuntada 

Hubi ilmahaagu ina uu cunayo cunto nafaqo leh sida:

  • Cuntooyinka protien ku jiro sida hilibka, digaaga, kaluunka iyo iwn
  • Khudaarta kuwa bisil iyo kuwa aan bislaynba

Hubi ilmaha cuntada uu cunayo ilmahaagu ina ay xaga nafaqada isku dheeli tiran tahay.

Waa maxay cunto isku dheeli tiran? Halkan ka akhri.

  • Wakhti waxa aad ku bixisaa ina aad baratid ilmahaagu cuntooyinka uu jecel yahay iyo kuwa aanu jeclayn, kadib inta badan sii kuwa uu jecel yahay.

F.G: ilmaha hadii inta badan cuntada lagu qasbo taasi waxa ay keentaa ina uu cunistaba uu naco markaa iska ilaali ina aad inbadan qasabtid oo barro waxyaalaha uu jecel yahay. 

2. Caafimaadka

Ilmo xanuusanaya miisaan ka dhaca mooyee, miisaan korri maayo sidaas daraadeed si joogta ah ula soco xaalada caafimaad ee ilmahaaga.

  • Xanaanada si joogta ah ugu xidhnow
  • Talaalada si joogta ah u sii 

3. Miisaanka Ilmaha

Miisaanku waa meesha 1aad ee aad ka garan karid ina cuntada aad ilmaha aad siisay jidhkiisu ka faaidaysanayo iyo inkale.

Markaas si joogta ah ula soco, garo miisaanka laga rabo ilmahaaga iyo miisaankiisa imika.

4. Nadaafada

Nadaafad daradu waxa ay u horseeda jidhkeenu xanuuno iyo caafimaad darro.

Nadaafada oo aad ku dadaashaa waxa ay ka hor tagaysaa xanuuno badan oo ilmaha miisaankiisa ridi lahaa, laga yaabo maca ina uu noloshiisa khatar galin lahaa.

Markaas ku dadaal : 

  • Nadaafada guriga 
  • Jidhka 
  • Dharka 
  • Ilkaha 
  • Cidiyaha 
  • Cuntada Iyo waxkasta oo aad isleedahay ilmahaaga dhibaato ayuu ku keeni karaa.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.

One thought on “Sidee Ayaad Miisaanka Ilmahaaga U Kordhin Kartaa?”
  1. Masha allah mahadsand walaashay waa maqaal aad u anfacaya hablo badan

Comments are closed.