Cuntooyinka jidhka koriinkiisa ka qayb qaataa aad ayay u badan yihiin, badankuna waa cuntooyinka nafaqada protienka la idhaa ay ku jirto.

Protien ka faaidooyinka kala duwan ee jidhka uu u leeyahay halkan ka akhri.

Cuntooyinkan hoos ku qoran waa cuntooyinka protien ka laga helo qaar ka mida: 

1. Hilib

Hilibku waxa ku jira nafaqooyin kala duwan oo protien ku ugu horeeyo.

2. Beed

Beed waxa uu ku jira cuntooyinka ugu nafaqada badan, waxa ku jira macdano iyo vitamino badan oo jirkeeda u fiican iyo 33% protien ah.

3. Caano

1 koob oo caano ah waxa ku jiraa ilaa 8 gram oo protien ah, sidoo kale caanuhu waxa aad ka helaysaa macdano iyo vitamino kale sida calcium, phosphurus iyo riboflavin.

5. Laws

Laws waxa uu qani ku yahay nafaaqooyin badan oo jidhka u fiican sidan magnesium, vitamin A, protiens iyo qaar kale oo badan.

6. Digaag

Digaaga nafaqada ku jirta waxa u dheer dhadhan, sidoo kale waa hilib karintiisa iyo diyaarintiisuba aad u fududahay.

7. Kaluun 

Halkan waxaad ka akhrin kartaa faaidooyinka badan ee kalluun ku leeyahay

8. Boorash

Boorash ku waa cunto fudud, bal leh, midhicirada u fiican sidoo kale hal koob oo boorash waxa ku jira 11 gram oo protien ah.

9. Tuna

tuna waa nooc ka mida ka kalluunka kaas oo ku qaniya protien, omega 3 iyo nafaqooyin kale oo badan.

10. Beans

beans iyo midhalayda oo dhani waa il fiican oo aad ka heli kartid protien qaalina aan ahayn, sidoo kale waxa aad u diyaar kartaa siyaabo badan oo kala duwan.

11. Brocolli

Broccolli waxa ku jira vitamin c , vitamin k, potassium sidoo kale protien.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.