Xilliga hooyadu uurka leedahay waa wakhti aad u xasaasi ah, lagaagana baahan yahay taxadir iyo daryeel badan, talooyinkan hoos ku qoran waxa laga yaabaa ina ay ku caawiyaan:

1. Qaado Vitaminada

Vitaminada uurka aad ayay muhiim u yihiin marka aad uur leedahay iyo haddi aad rabtid ana aad uur qaadidba.

Faaidooyinka ay leeyihiin waxa ka mida: 

  • Waxay kaabaan nafaqada jidhkeenu helo.
  • Yalaalugada (lalabada) ayay yareeyaan.
  • Koriinka ilmaha ayay caawiyaan (makaanka dhexdiisa).
  • Waxa ay yareeyaan khataraha ina ilmuhu dhasho shilkiisa ka hor ( preterm birth).

2.Jimicso

Jimicsiga uma jeedo gym ka tag oo biro culculus qaad ama samee jimicsada adag ee adiga iyo ilmahaba khatar galinaya balse waxa aan uga jeeda ku talagal ina aad jidhkaaga maalin walba dhaqdhaqaaq u samaysid : 

  • Soc socod 
  • Jimicsiyada iska bixinta 
  • Dabaasha iwm 

halkan ka daawo jimicsi aad gurriga ku samayn kartid.

3.Cun Cuntooyinka Balka leh 

Cuntooyinka balka leh waxa ay u fiican yihiin dheefshiidkeena, calool istaagana way ka hor tagaan.

Cuntooyinka balka leh waxa ka mida : 

  • beans ka 
  • Galayda 
  • Harikooga 
  • Liimaha 
  • Iyo cunto kasta oo gal (bal) leh.

4.Dhakhtar si joogto ah ugu xidhnow:

Ka hortagga ayaa ka fiican daawaynta, waxa jira waxyaalo badan oo laga hortaggi karo haddi hore loo ogaado.

Ha ka mid noqon hooyoyinka marka ay fooshu qabato uun dhakhtarka taga

5. 5-6 jeer cuntee maalintii 

Marka aad uur qaadid naf kale ayaa kugu dhexnool oo u baahan nafaqo iyo cunto, kaligaa ma tihid, sidaas daraadeed waa ina cuntada aad cunaysid aad kordhisid oo ugu yaraan 5 ilaa 6 jeer wax cuntid.

Haddi cunto xumo aad ka cabanaysid fadlan dhakhtar kaaga ku noqo oo kala tasho balse cunto yaraan ha joogin.

Ta kalena waa xaga cabitaanka, qaaliyeey ka taxadir ina aad fuuq baxdid adiga oo uur leh, waxa jira hablo badan oo ka yalaalugooda biyaha marka ay uurka leeyihiin oo fuuq bax ku yimaado.

Haddi uu jiro xanuun kaa hor istaagaya cuntada ama cabitaanka fadlan is dawee oo ha isku eegin. ?? 

6. Dawooyin dhakhtar kuu qorin ha qaadan.

Xilliga uurka dawooyin badan oo waxa jira aanad qaadan karin, khataraha ay ilmaha galin karaana  ay aad u badan yihiin, sidaas daraadeed waa ina dhakhtar kaaga aad kala hadashaa inta aanad qaadan wax dawo ah.

halkan waxa aad ka akhrin kartaa shax ay soo saartay FDA oo ay ku taxayaan dawooyinka iyo khatarahooda xilliga uurka.

7. Kabo fiican raadso 

Uurku waa marxalad uu culays badan uu ku korayo, si fudud aad u barari kartid, dhabarka iyo luguba ku xanuunayaan, markaa haddii iyadoo xaaladu sidaas tahay kabo aan munaasib ahayna usii xidhatid waad dhibaatoon.

Raadso kabo nafis ah oo aad si fiican ugu socon kartid xilliga uurka.

8.Shaqada gurriga dib u hayb ku samee

Ka saar wax kasta oo kugu culus oo aanad qaban karayn, una diyaari cid qaban karta sidoo kale way fiican tahay ina aad jadwal shaqada u samaysatid si xilli aad nasatid u heli kartid.

9. Nadaafada ku dadaal 

Xilliga uurka waad u nugushahay cuduro oo dhan, difaacaaguna waa uu hooseeyaa sidaas daradeed ku dadaal gurriga iyo jidhka nadaafadooda: 

  • Gacmahaaga dhaq dhawr jeer maalinti.
  • Weelka aad wax ku cuntid dabool.
  • Meelaha aad alaabta saaratid nadiifi.
  • Meesha aad dharka uskaga ah aad ku ridid iska dabool 
  • Cidiyaha iska gur 
  • Cadayga ku dadaal iwm 

10. Wax is bar 

Aqoontu waa awood, wax ka baro uurka, umusha, cuntooyinka,khataraha, samaysan ka ilmaha iyo waxyaalaha kale ee aad xiisaynaysidba.

Dhakhtarkaaga iyo hooyoyinka kaa khibrada badan ba kala sheekayso, hana la xishoon wixii suaal ah ee aad haysid.

Haddaba, adigu comment ka hoose nagula wadaag :

      Waa maxay wixii kuugu adkaa ee kaasoo mara uurka? Maxaanad samaysay? 

U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.

One thought on “Daryeelka Xilliga Uurka”
  1. Biyaha cad aadby iidhibaan xilliga uurku bilow yahay oo matagbaa isoo qaadaya runtiina waan kawerwareegaa maxaa xal ah

Comments are closed.