Talooyinkan hoos ku qoran waxa ay ka caawin karaan ilmahaaaga ina uu seexdo hurdo caafimaad qabta, oo raaxo leh : 

1. Usamee Ilmahaaga Jadwal Hurdo 

Ilmaha oo xilliguu doonna iska seexda, xalliga uu doonana toosa waxa ay keenaysaa khalkhal xaga maskaxda ah oo ayna maskaxdii lahayn xilli ay baratay oo ay seexanayso iyo xilli ay toosayso.

Jadwalka hurdo ee aad u samayso ilmahana taas ayay ka caawinaysaa oo marka ay xilligii ilmuhu uu bartay ay gaadho ilmihii hurdo ayaa qabbanaysa.

2. Meesha ilmahu seexanayo ku dadaal ina ay naadiif tahay

Barkimada, furashka iyo qolka ilmuhu ay seexayaan waxa muhiim ah ina ay nadiif ahaadaan taasi kaliya tayada hurdada uun kor uma qaadayso balse sidoo kale waxa ay ka hortagaysaa xanuuno iyo cuduro badan.

3. U diyaari hurdada

2-3 saacaadood ka hor ka ilaali ina uu shaashad hor fadhisto ( tv ama taleefan), u maydh kadib sariirta jiifi oo u sheekee ama buug u akhri.

Maskaxdiisu marka ay barato waxyaalaha  hurdada ka horeeya ee aad samaysaan way u fududaanaysaa ina uu si raaxo leh u seexdo.

4. Soo koob hurdada casarkii 

Hurdada duhurkii aynu seexanaa waxa aynu inuu saamaxdaa ina aynu maskaxda yara nasino, yar iyo wayn bana u fiican balse hurdadaas waa ina aynu soo koobno oo aynaan ka badsan ilaa 30 daqiiqo si hurdada habeenkii khalkhal u galin.

5. Teleefanka iyo waxyaalaha kale ee lagu mashquulo ka fogee

Shashaduhu laydka kasoo baxayaa waxa uu joojiyaa dheecaamada maskaxdeenu soo saarto ee hurdada keena sidaas daraaadeed ka ilaali shaashadaha saacadaha ka horeeya hurda.

6. Ilmaha ha seexin isaga oo gaajoonaya ama aad u dibirsan.

7.Sidoo kale u jimicsii ilmaha yar : haddi uu aad u yar yahay adigu u jimicsii, haddii kale u ogolow kuna dhiri gali ina uu inbadan ciyaaro oo ilmaha oo daalan sariirta jiifi.

Intaas waa qayb ka mid ah wax yaalaha aad samayn kartid si aad ilmahaaga ugu caawisid ina uu si fiican u seexdo.

intaas adigu maxaad ku daraysaa ee ka maqan!! Hoos nagula wadaag…….

akhris dheraad ah : sidee ayad isku dheeli tiri kartaa cuntada

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.

One thought on “Kor U Qaad Tayada Hurdada Ilmahaaga”

Comments are closed.