Miisaan Ina aad iska ridaa waxa weeyi hawl aad u adag, oo natiijo dagdag ah aanad ka arkayn, waa hab wakhti dheer qaata sabir badana u baahan.

Haddaba, Khalaadaadkan ka fogow hadaad rabtid ina aad miisaan iska ridid: 

Ka Fogow Qaadashada Milix Badan 

Ma ogtahay ina milix badan oo aad qaadataa jidhka u fiicanayn?

istaalka badan ee milixdu jidhka barar ayuu ku keeni karaa, biyaha ayuu ku fadhiisan kara sidaas daradeed miisaan dheeraad ah ayaa ku koraya.

miisaan korodhku maaha mushkilada kaliya ee kugu iman karta milix badan oo aad qaadataa waxa kale oo ay keeni kartaa: 

  • Dhiig kar 
  • Haraad Badan 
  • Wadno Xanuun 
  • kor u kac khatarta aad ugu jirtid cancerka caloosha ku dhaca. 

Ka Fogow Cuntooyinka Warshadaysan iyo cuntada dibadda.

Cutooyinka dibada aan ka cunnaa waxa inta badan ku jira sonkor,malix, iyo saliid badan ayaa lagu sameeyaa ama lagu shiilaa.

cuntooyinkaas sidoo kale nafaqooyinkuna aad bay ugu yaryihiin sidaa daradeed inbadan inaad guriga wax ka cunto ku dadaal.

Naftaada Ha Gaajaysiin 

Cuntada  yaraysaa waxa ay u muuqan kartaa fikrad fiican marka aad rabtid ina aad miisaan iska ridid!!

balse naftaada oo aad gaajaysiisaa waxa ay keeni kartaa miisaanku ina uu ku koro Madaama oo ayna ahayn qaab inbadan aanad wadi kartin.

marka aad cunista ku noqotidna laga yaabo inaad inbadan cuntid ilayn waad macaluushaye.

sidoo kale nafaqo darro iyo fuuq bax ayaa iman kara oon caafimaadka guud ee  jidhkaaga u fiicna.

Filasho Aan Macquul Ahayn 

Miisaan iska ridku maaha wax maalin ama laba cisho gudahood yimaada.

waa qaab nololeed wakhti iyo samir u baahan, balse kolkol ayaynu ilawnaa oo waxa aynu rabnaa natiijo dagdag ah.

Tusaale ahaan hadaad bilawdid ina aad cuntadaada ilaalisid, jimicsatidna waxa laga yaabaa ina weeg ka bacdiba yaaban tahay oo aad iswaydiinayso waxa qaldan ee miisaan kaaga dhicin, tan waxa ka qayb qaadanaya xasiisyada kal a duwan iyo alaabaha badan ee la xayaysiiyo een intaas aragno laakiin xasuusnow :

“Miisaan inaad iska ridaa waa suurtagal, jidhkaaga iyo caafimaadkaaga way u fiican tahay balse waa wakhti ayay qaadanaysaa, dadaalna waa uu galayaa”.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.