Duxuha waa qayb ka mid nafaqooyinka waawayn ee jidhkeenu u baahan yahay, faaidooyin badana u leh jidhkeena, duxaha oo dhan ma wada xuma, jidhkaguna waa u u baahan yahay, sidaas daradeed maanta waxaaynu isla eegi doonaa wax yaalo ay muhiim tahay inaad ka xusuusnaatid duxaha.

1.Duxaha Fiican vs Duxaha aan fiican nayn.

Duxaha inta badan waxa lagu xantaa ina ayna caafimaadka u fiicnayn oo ay tahay in laga fogaado oonad qaadan balse duxaha oo dhani isku mid ah, inkastoy jirto duxo aan caafimaadka u fiicnayn sida oo ay tahay inaad yaraysid qaadashadooda, sidoo kale waxa jira duxo wanaagsan oo jidhkeena aad ugu fiican: 

  • Duxaha aan fiicnayn : 

Waa kuwa ay tahay qaadashadooda ina ay yarayno oo ayna si joogta ah nolosheena ugu mid noqon, waana inta badan duxaha ka imaado xoolaha sida:

FQ: Duxahan shardi maaha ina aad qaadashadooda aad wada joogisid, waad yarayn kartaa uun, tusaale ahaan ina aad qaadatid usbuucii hal mar oo kale, waan ogahay inaga dad hilib ku koray ayaynu nahay oo la’aantii jimcaysi ma jirayo 🙂 

Duxaha Fiican: 

Kuwani waa kuwa jidhkeena u fiican ayna muhiim tahay ina cuntooyinka aynu cunayno ay ka mid noqdaan, badanka duxahani waa kuwa ka imid geedaha ama dhirta tusaale ahaan: 

  • Lawska ‘
  • Saliida (olive) 
  • Fuul suudaaniga 
  • Avocado 
  • Beedka 
  • Kaluunka iyo cuntada badda.
  1. Faaidooyinka Duxuhu ay inoo leeyihiin waxa ka mida: 
  • Duxahu waxa ay caawiyaan heerkulka jidhka: 
  • Waxa ay caawisaa misaanka ridistiisa – waa haddii aanad qadashadeeda dhaafin intii laga rabay.
  • Duxuhu sidoo kale waxa ay caawiyaan dheecaanada jidhkeena inay si fiican u shaqeeyaan.
  • Awoodna waan ka helnaa – waxa la idhaa awooda duxaha aan ka heli karnaa waa ay ku libinlaabmantaa ta carbohydrate ka iyo protienka aan ka helno.
  • Waxa ay yaraysaa khatarta aan ugu jirno wadno xanuunka iyo cancerka.
  • Duxuhu sidoo kale waxa ay yareeyaan caabuqa.
  1. Duxaha qaadashadaada maalinleed waa ina ay ka noqdaan 20% – 35%.
Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.