Carbohydrates ku waa qayb ka mid ah nafaqooyinka waawayn, waana halka awooda jidhkeenu u baahan yahay badankeeda uu ka helo.

 Hadaba,  5 tan shay ka baro carbohydrates ka : 

Carbs jidhkeena faaidooyin badan ayay u leeyihiin oo ay ka mid yihiin: 

  • Waxa aynu ka helnaa awooda maalin laha ah ee aynu ku shaqayno.
  • waxa ay caawiyaan dheefshiid ka – qayb ka mid ah carbohydrateska ( fiber) waxa ay si gaara u caawiyaan dheefshiidkeena iyo caafimaadka midhicirada, sidaas daraadeed ayaa haddii aad calool istaag tusaale ahaan ka cabanaysid lagugula talinayaa cuntooyinka balka leh inaad cuntid si calool istaagu kaaga yaraado, cuntaadaas balka leh waa qayb ka mid ah carbohydrates ka.
  1. Cuntooyinka badan kooda carbohydrates waad ka helaysaa, ha kula badnaadaan hana kala caafimaad badnaadaan balse cuntooyinka badan kooda way ku jiraan sida : 
Carbs Cuntooyinka Balka Leh Carbs ka aan caafimaad ka badnayn. 
Roodhi Beans Soda  
Bariis Boorash Nacnac 
CaanoGaraw Buskud 
Khudaar Sharaabo Qasaacadaysan 
BastoCakes ka 

Shaxdan sare waxa ay ku tusinaysa cuntooyinka aad ka heli kartid carbs ka, isku day inaad ka fogaatid qaybta 3aad ee shaxdan, madaama oo aanay faaido badan jidhka  u lahayn.

  1. Waxa jira laba nooc oo carbohydrate ah mid warshad galay oo laga saaray wax yaalaha qaar sida sharaabada, nacnacyada iwn iyo qaar kale sidii sidii ay u baxeen ah, goor walba dooro kuwa aan la warshadayn madaama oo ay ka caafimaad badan yihiin kuwa la warshadeeyay
  1. Awooda jidhkaaga maalintii u baahan yahay waa ina 45% – 60% uu ka yimaado carbs sababtuna waxa weeyi awooda carbs laga helo si fudud uu jidhkeeenu u isticmaali karaa marka la barbar dhigo qaybaha kale ee nafaqada.
  1. Hadaad Carbs maalintii aad u baahan tahay in kabadan aad isticmaashid ama in ka yar labadaba waxa iman kara xaalado caafimaad oo daawayn u baahan ama cudurada : 
  • Qaadashada in kabadan intii lagaa rabay waxa ay keeni kartaa : 
  • Miisaan badan oo kugu kordha
  • Wadno xanuun 
  • Sonkorow ama Macaan.
  • Ilkaha oo suus uu kaa galo
  • Qaadashada in ka yar inta lagaa rabo na waxa ay keeni kartaa :
  • Daal badan 
  • Dibiro iyo calool istaag 
  • Fuuq Bax 
  • Yalaalugo 
  • Nabaradaada oon hore u bogsan.
  • Dawakhaad badan iyo madax xanuun iwm.

F.G : Maalintii waa inaad 45% ilaa 60% uu noqdaa carbohydrate cuntada aad cunaysid.

Gabagabo : Carbohydrate waa nafaqo muhiim ah oo jidhkeenu u baahan yahay balse waxa aad u baahan tahay ina si dhexdhexaad ah aad u qaadatid oo aanad isku badin.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.

One thought on “Carboydrates ka maxaad ka taqaanaa?”

Comments are closed.