Difaaca Jidhkaaga oo hooseeyaa waxa uu kuu horseedii karaa ina aad u nuglaato xanuunada iyo caabuqyada kala duwan, sidaas daraadeed ayay muhiim u tahay inaad  cuntid cunto difaacaaga kor u qaada.

Cuntooyinkaas waxa ka mid ah:

1.Liimaha 

Liimuhu faadidooyin badan oo cajiiba ayay jidhka u leeyihiin, waxa ka mida: 

  • Inay taageeraan difaaca jidhka.
  • Caabuqana way yareeyaan.

Liimuhuna noocyo badan ayay leeyihiin ay ka mid yihiin liin macaan, liin qarboosh, liin dhanaan iyo iwm.

Sidaas daraadeed ayay muhiim u tahay si joogto ah inaad u qaadatid liimaha kala duwan, haday noqoto inaad cuntada ku darsatid, shiidatid ama aad biyaha ku dartid.

2. Sanjabiil

Koob shaaha oo kulul sanjabiilna leh oo aad maalintaada ku bilawdaa waxa uu taageero wayn u yahay difaaca jidhkaaga, intaas oo kaliya maaha balse isticmaalka joogtada ah ee sanjabiisha faaidooyinka kale ee ay leedahay waxa ka mid ah: 

  • Sonkorta hoos ayay u dhigtaa.
  • Yalaalugada way yaraysaa.
  • Chlostrolka hoos ayay u dhigtaa.

3. Cambe babayga (Papaya) 

Cambaha waxa ku jira vitamin “A” iyo vitamin “C” iyo potassium oo intube yihiin macdano iyo vitamino caawiya, taageerana difaaca jidhka, sidoo kale babaygu jidhkeena wuu nadiifiyaa, wuuna u fiican yahay aragtida.

4. Koostada

Koostadu waa cunto nafaqooyin badan ay ku jirto, waxa ay u fiican tahay maqaarka timaha, lafaha iyo waliba difaaca jidhka, waxa ay koostadu ka kooban tahay protien, vitamins iyo waliba macdano.

5. Toonta

Toontu waxa ay xoojisaa unugyada difaaca, sidoo kale waxa ay inaga difaacda hargabka iyo durayga.

Isku day ina 1-3 xabadood oo toon ah isticmaashid maalintii.

 

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.