Waxaa maxay saxan ka isku dheeli tiran? Saxanka isku dheeli tiran waa saxan ka kooban noocyada kala duwan ee cuntooyinka, waana halbeeg loo isticmaalo si loo hubiyo ina jidhka nafaqooyinka kala duwan ee uu u baahan yahay helo. 

Qaybaha Nafaqooyinka: 

  1. Carbohydrates – kaas oo ah nafaqada jidhka awooda uu ka samaysto sida loxooxda (canjeerada), roodhida, galayda, baradhada iwm. 
  2. Proteins – oo muhiim u ah dhismaha iyo koriinka xubnaha iyo unugyada jidhka sida beedka, hilibka, harikooga, kalluunka iwm. 
  3. Duxda – waxa ay ilaalisaa xubnaha, koriinka ayay kor u qaadaa, cuntooyinka laga helo waxa ka mida saliidaha, subaga, avocado iyo hilibka. 
  4. Fitaminada & Macdanaha – waxa ay qayb qaataan shaqooyinka kala duwan ee jidhka ka dhex socda, cuntooyinka laga helano waxa ka mida khudaarta sida tufaaxa, cambaha, muuska iyo qaraha. 

Saxanka isku dheelitiran waa ina uu ka koobnaado 5ta qaybood ee nafaqooyinka: 

1. Khudaarta qaydhiin ( Vegetables) 

 Khudaarta qaydhiin waxa ay u kala baxaan 5 qaybood: 

  • Khudaarta cagaaran. 
  • Khudaarta casaanka iyo guduudka ah.
  • Baradhada.
  • Digirta iyo harikooga. 
  • Khudaarta kale sida biningaalka Tamaandhada. 

2. Khudaarta bisil (Fruit) 

Qaybta 2aad ee noocyada cuntada waa khudaarta bisil sida tufaaxa, muuska iyo xabxabka. 

Khudaarta bisil waxa ku jira fitamino iyo macdano kala duwan oo jidhka u muhiim ah. 

3. Grains (Firilayda ama Midhaha) 

Firilayda sida bariiska, baastada, roodhida iyo boorashka waa qaybta 3aad ee cuntada, waa qaybta awooda loo isticmaalo. 

4. Protienka 

Ilaha laga helo protien ka waxa ka mida: 

  • Hilibka.
  • Kalluunka.
  • Digaaga.
  • Beedka.
  • Misirka.  

Protien ka jidhka waxa uu u isticmaala koriinka iyo dhismaha jidhka. 

5. Caanaha

Caanaha iyo wax kasta oo caano laga sameeya sida cheese ka iyo yoghurtka waa il laga helo calcium, taas oo u fiican dhismaha lafaha. 

Akhris Dheeraad ah: Wax Ka Baro Nafaqo Darrada!

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.