Xanuunka macaanka ama sonkorow ga loo yaqaano waa xanuun kor u kac ku keena sonkorta dhiiga ku jirta, taas oo xalkeedu uu noqdo hab nololeedka oo is badal lagu sameeyo iyo xaaladaha qaar daawayn.

Haddaba, maqaalkan waxa aynu isla eegi doonaa waxyaalo aad samayn kartid oo kaa caawin doonaa ina aad la tacaashid xanuunkan, tayada noloshaadana kor u qaadi doona. 

1. Jimicsi 

Isku day ina aad joogtaysid nooc jimicsi ka mida, taasi jidhkaaga waxa ay ka caawinaysaa ina awood isticmaalo, firforcoonina waad ka helaysaa. 

Joogtee dhaqdhaqaaqa, socodka, cararka, iyo haddii ay suurtagal kuu tahay ina aad gym tagtidba. 

2. Si Joogto Ah Ugu Xidhnaw Dhakhtar. 

Mushkilad bulshadeena badankeeda haystaa weeyaan ina aynaan caafimaadkeena guud ahaan ku baraarug sanayn, dabcan taas sababo badan ayaa keeni kara oo ay ka mid yihiin xaalada dhaqaale oo laga yaabo ina ay iska xadidan tahay oo qofkii is idhaa haddii xanuun kugu taagani jirin maxaad ka dooni dhakhtar! Mararka qaarna waxa ay noqotaa mid dabeecad ah oo qofkii isba lahayn waa muhiim.

Dhakhtarka oo aad si joogto ah ugu xidhnaataa waxa ay ka hortag u noqon karaan xanuuno iyo xaalado in lada qabtaa ay adkaan lahayd, sidaas daraadeed caado ka dhigo dhakhtar ina aad yeelatid si joogto ah aad ula socotid. 

3. Heerka Sonkortaada si joogto ah ula soco

Macaanka ama sonkorow hadaad leedahay waa lagama maarmaan ina aad si joogto ah isku cabirtid si aad u ogaatid xaalada uu macaankaagu marayo. 

4. Qaadka Iyo Sigaarka Iska Ilaali 

Qaadka iyo sigaarku midna qofka caafimaadka uma fiicna qof macaan qabana warkiisaba daa. 

Sigaarku sonkorta wuu kiciyaa, dhaawax ayuu ku keenaa wadnaha iyo xididadaba,neefsiga ayuu saameeyaa.

Markaas waa muhiim ina aad yaraysid qaadashada waxyaalahaas ama aad iskaba joojisid. 

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.