Liin qarbooshta waxa ay qani ku tahay macdano iyo fitamino badan oo ay ka mid tahay potassium, calcium iyo fitamin C kuwaas  oo faaidooyin badan jidhka u leh. 

faaidooyinkaas waxa ka mida: 

1. Kor u qaadista difaaca jidhka

Fitamin c da ku jirta liin qarbooshtu waxa ay caawisaa soo saarista unugyada cad-cad ee jidhka ka difaaca dulinka. 

Sidoo kale waxa ay caawisaa,dadajisaana bogsadka nabraha. 

2. Kor u qaadista caafimaadka maqaarka

Fitamin c ga waxa uu ka qayb qaataa soo saarista collagen ta taas oo ah protien caafimaadka  iyo awooda maqaarka xoojiya. 

Sidaas daraadeed ayay fitamin C ga creamada iyo dhaashiyada la isku qurxiya loogu daraa. 

Sidoo kale liinta waxa ay ku jirtaa qurxiyayaasha dabiiciga ah ee toos loo isticmaalo. 

3. Waxa uu kor u qaadaa nuugista feero da (Iron)

Feerada waxa ay muhiim u tahay soo saarista unugyada dhiiga ee cas iyo wareejinta oxygen ta dhiiga ku jirta. 

Fitamin C ga waxa ay ka caawiyaa unugyada jidhka ina ay feerada nuugaan oo ay isticmaalan. 

Calaamadaha lagu garto yaraanshaha feerada waxa ka mida: 

  • Daal badan
  • Neefsiga oo adkaada. 
  • Qofka oo ina uu indho go’san yahay u muuqda. 
  • Maqaarka oo qalala. 
  • Timaha oo daata. 
  • Dawakhaad iyo isku buuq badan.

4. Dheefshiida ayay caawisaa 

Liin qarbooshta waxa ay carrisaa soo saarka dheecaamada dheefshiidka,waxa ay caawisaa jajabinta cuntada dheefshiidka ka hor. 

  • waxa loo isticmaala ka hortaga iyo daawaynta calool istaaga
  • Haddii aad laab jeexa (laab dilaac) aad leedahayna, cabitaanka biyo diirran oo liin qarboosh leh cuntada ka hor waxa laga yaabaa ina uu ka hortago laab jeexa.

5. Isticmaalka liin qarbooshtu waxa ay caawisaa dhimista miisaanka

Isticmaalka joogtada ah ee liin qarbooshtu waxa ay caawisaa miisaan dhimista, dheefshiidka ayay kor u qaadaa, sidoo kale waxa ay ka caawisaa unugyada jidhka ina ay nuugaan macdanaha iyo fitaminada. 

Akhris Dheeraad ah: Faaidooyinka Cajiibka Ah Ee Lawska

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.