Soonku waxa uu ka mid yahay rukunada diinteena, cilmiga science kuna sannadadan dambe waxa aad moodaa ina uu faaidooyin badan oo u leeyahay sheegayo, aqoon yahanada maantana ay dadka kuu dhiiri galiyaan ina ay soomaan. 

Haddaba, Faaidoonyinka soonku uu caafimaadka u leeyahay waxa ka mida: 

1.Kor Waxa uu u qaada caafimaadka dheefshidka 

 Soonku dheefshiidkeena waa uu nasiyaa, maadaama oo inta kale oo dhan mishiinkan rabaaniga ahi uu ku mashquulsan yahay burburinta wax kasta oo aynu cuno, dhawrkaa saacadood ee aad sooman tahay waxa ay janis u siinaysaa ina uu yara nasto.

Baaditaano badan ayaa cadeeyay ina soonku caafimaad dheefshiidka kor u qaado iyo sidoo kale uu caawiyo ina uu miisaan kaa dhaco.

Marka aad sooman tahay jidhkaagu ma helayo cuntadii uu ka samayn jiray (Awooda), sidaas daraadeed waxa uu gubayaa oo uu isticmaalayaa baruurta jidhkeena ku kaydsan.

2.Maqaarka waa uu qurxiyaa: 

Saacado badan marka aad soonto jidhku waxa uu iska saara qashin iyo sumo badan oo ku ururi lahaa unugyada taasina waxa ay dhalaalisaa oo ay qurxisaa maqaarka.

3. Soonku waxa uu caawiyaa difaaca jidhka 

4. Caafimaadka wadnaha kor ayuu u qaada

Wadno xanuun ku waxa uu ka mid yahay xanuunada sababbba dhimashada ugu badan caalamka, 31% dhimashooyinka waxa keena waa wadno xanuun.

Cuntada iyo qaab nololeedka guud oo saxmaa waxa ay ka qayb qaataan yarayta suurtagalnimada ina xanuun kani kugu dhaco, sidoo kale waxa jira baadhitaano badan oo sheegaya ina soonku kor u qaado caafimaad wadnaha isaga oo

  • Yaraynaya xanuunada halbawlayaasha wadnaha ku dhaca.
  • Dhiigana hoos u dhiga  iyo cholestrol ka.

5.Caafimaadka maskaxda kor ayuu u qaadaa 

Soonku jidhka oo kaliya uma fiicna, ee maskaxdana faaidooyin badan ayuu u leeyahay: 

  • Uu horaynn: kor waxa uu kor u qaadaa soo saarista dheecaanka loo yaqaan bdnf kaas oo badiya soo saarista fariin sidayaasha(neuron).
  • Sidoo kale waxa soonku cariyaa(stimulate) soo saarista chemicals kale oo badan oo jidhkeena u fiican.
  • Soonku waxa uu kor u qaadaa shaqada maskaxda maadaama oo si joogta ah wax u cunayno maskaxdeenu waxa ay ku mashquulsan tahay dheefshiidka iyo habaynta waxa aad cunayno.

6.Khatarta aad cancerka ugu jirto ayuu yaraynayaa.

7.Soonku waxa uu ka hortagaa macaanka (sonkorawga)

Soonku waxa uu fadhiisiyaa sonkorta dhiiga ku jirta, waxana uu yareeyaa khatarta macaanka nooca 2aad ( type 2 diabetes).

Sonkortu waa ay korodhaa marka aan wax cuno dabcan markaas hoos waa ay u dhacaysaa marka aynu wax cuni wayno, balse jidhkeenu waa uu ka hortagayaa ina ay xoog u dhacdo oo nafaqada u kaydsan ayuu isticmaalayaa.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.