Qodobadan hoos ku xusan waa muhiim ina aan ka taxadarno hurdada ka hor madaama oo ay faragaliyaan tayada hurdada aynu seexano.

Qodobadaas waxa ka mida: 

1. Iska Ilaali Isticmaalka Teleefanka Hurdada Ka Hor 

Isticmaalka teleefanka ama wixii shaashad  ah 30 daqiiqo ilaa saacad ka hor inta aanad seexan tayada hurdada aad ayay hoos u dhigaan. 

Laydhka kasoo baxaya taleefanka waxa uu in badan ka shaqaysiiyaa maskaxda taas oo ku adkaynaysa ina ay maskaxdu seexato.

2. Ina Casho Culus Cuntid Iska Ilaali 

Inkastoo 4yahay qodob baadhitaano badan lagu sameeyay, science yahanaduna isku wada raacin, waxa baadhitaano badan cadeeyeen ina ayna fiicnayn ina aynu caloosheena oo buuxda seexano sababtuna waxa weeye jidhkeenu waxa uu u baahan yahay wakhti uu dheefshiido cuntada aynu cunay.

Sidoo kale waxa la idhaa cuntada oo aad ku seexataa waxa ay keentaa miisaan korodh.

3. Jimicsi Adag Ha Samayn Hurdada Ka Hor 

Iska ilaali ina aad jimicsi adag samaysid ka hor inta aanad seexan sababta oo ah jimicsigu jidhkeena awood (energy) ayuu siiyaa, jidhkuna markaba waxa uu rabayaa ina uu isticmaalo awoodaas taas oo kugu adkaynaysa ina aad seexatid.

4. Iska Ilaali Hurdada Maalintii

Hudada maalintii aad seexataa waxa ay dhaawacdaa tayada hurdada habeenkii sababta oo ah baahida jidhkaaga hurdada u qabo ayaa yaraanaysaa taasina waxa ay keenaysaa ina aanad si fiican u gam’in.

5. Coffe ga Iyo Shaax Ha Cabin 

Cabitaanada coffe ga ( Khansharka) iyo shaaxu waxa ay raajiyaan hurdada, waxayna khalkhaliyaan saacada jidhka.

Saacada jidhkeenu waa saacad rabaani ah oo jidhkeena u sheegta marka ay gaadho xiligii la seexanayay balse cabitaanka coffe saaxadaas wuu khalkhaliyaa sidoo kale tayada hurdadana hoos ayuu u dhigaa. 

6. Ha Jiibsan Haddii Ayna Hurdo Ku Hayn

Taasi jidhkaaga waxa ay ka caawinaysaa ina uu u yaqaan sariirta kaliya meel la seexdo, sidoo kale ha ku shaqayn, ha ku cawayn, waxna ha ku dul cunin, kaliya hurdo uun u isticmaal.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.

One thought on “Digniin: Waxyaalahan Ha Samayn Hurdada Ka Hor!”

Comments are closed.