Hoos waxa ku qoran 10 shay oo sababa burburka iyo caafimaad darrada ilkaha :

1. Sonkorta

Sonkortu waxa ay cunto u tahay bacteria da afkeena ku jirta, markaas haddi aad sonkor badan isticmaashid balse aanad si fiican uga nadiifin waxa aad khatar ugu jirtaa inaa aad suus yeelatid.

3. Qaadka & Sigaarka 

Qaadka & Sigaarkaba  waxa ay sababaan cirid xanuun,kansarka ku dhaca dibnaha,ciridka iyo afka.

Sidoo kale sigaarka iyo qaadkuba midabka qurxoon ee ilkaha way badalaan.

3. Caday La’aanta Hurdada Ka Hor.

Ilkaha habeenkii hurdada ka hor ina lasii cadayo lagana nadiifiyo cuntadii aan maalintaas oo dhan cunaynay aad bay muhiim u tahay.

Dadka inta badan aan sii cadayan habeenkii inta ayna seexani waxa ay u nugul yihiin ina ilkaha suus iyo xanuunada kale ee ilkaha ku dhacaa ay ku imaadaan.

4.Liimaha 

Liin dhanaan la’aanteed cunto la cunaa waxa aan aaminsanahay ina ay cunto bilaa dhadhan ah ay tahay, balse dhanaankaas badan haddii aynu xadka dhaafino waxa acid dhaas badan ay xoqi kartaa ilkaheena lakabka sare.

F.G: Wax walba dhexdhexaadka ayaa ugu fiican.

5.soodhaha

Sharaabyada soodhaha leh sida coca ha iyo fantadu waxa ku jirta sonkor iyo acid badan labadaasna midna uma fiicna ilkaha sidoo kale soodhuhu wax kale oo nafaqo ah oo ku jirtaa ma jirto.

Soodhaha iska yaree oo ku badal biyo badan.

6.Barafka 

Waxa jira dad caado u leh ina ay barafka ilkahooda ku jajabiyaan, barafku waa biyo oo caafimaad darro kaga imanaysa sida sonkorta ma jirto balse ilkahaaga uma fiicna oo lakabka sare ee ilkaha ayuu xoqniin ku samaynayaa kadibna saliiliyo ayay kugu sababi kartaa.

7. Ilkahaaga ina aad wax walba ku furtid

Haddi aad wixii xidhan ba aad ilkaha aad isku daydid ina aad ku furtid taasi waxa ay sababaysaa ina uu lakabka sare ee ilkaha uu dhaawac soo gaadho,ama iliguba ina uu jabo ay keento ee isticmaal qalabka loogu talagalay ina wax logu gooyo oo ilkahaaga hawshaas ka nasi.

8. Dhakhtar ilkood oo aanad u tagin

Waxa jirta maahmaah tidhaahda Ka hortag ayaa ka fiican daawaynta”.

Haddi aad dhakhtar ilkood si joogta ah u aragtid waxa laga hortagi karaa mushkilado badan oo hadhaw meel laga daba qabto la waayayo, sida suus yar oo imika soo bilaabmaya oo la joojiyo, lagana yaabo haddii aan la dawayn markaas ina hadhaw iliga dhan lagaa saaro.

Isku day ina aad dhakhtar ilkood oo aad halkii sanno ba mar booqatid ina aad yeelatid.

9. Coffee

Coffe inkasta oo uu faaidooyin badan leeyahay, haddana marka aynu isticmaalayno waxa aynu kolkol ku darnaa sonkor badan taas oo suus keenaysa, sidoo kale coffe gu waxa uu sababaa afka ina uu qalalo markaas biyo badan ka daba can marka aad coffe cabtid.

10. Sharaabada la shiido

Sharabada waxa ka buuxa vitamino iyo macdano jidhkeena u fiican, sidoo kale waxa ku jirta sonkor badan, marka aynu shiidnana sonkor ka leh ayaynu ku biirinaa.

Xadid sharaabka aad cabaysid maalintii ama khudrada adiga oo aan shiidin cun.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.

One thought on “Digniin: Waxyaalaha Burburiya Caafimaadka Ilkaha”

Comments are closed.