Maskaxda waxa ay isticmaashaa 20% awooda jidhka u baahan yahay, waana xarunta laga maamulo jidhka inta kale, sidaas daraadeed ayay muhiim u tahay ina la nafaqayo.

Nafaqo darrada maskaxda waxa ay keentaa xanuuno iyo xaalado kala duwan oo ay ka mid yihiin xasuusta oo yaraata, isku buuq iyo niyad jab,fahanka oo yaraada, sidoo kale waxa ay saamaynaysaa xubnaha kale ee jidhka sida wadnaha,beerka.

Cuntooyinka maskaxda koriya waxa ka mida: 

1. Kalluunka 

Kallunka badda iyo kalluun ka qasaacadaha (tuna) labaduba waxa ku jirta  duxda loo yaqaan 

Omega 3, taas oo xasuusta xoojisa ilawshiyahana yaraysa.

2. Broccoli iyo khudaarta cagaaran guud ahaan 

Broccoli ga waxa uu qani ku yahay fitaminka loo yaqaan fitamin K, faaidooyinka fitamin kani jidhka u leeyahay waxa ka mida ina uu ka qayb qaato samaynta unugyada maskaxda. 

Fitamin K sidoo kale waxa uu xoojiyaa fahanka iyo xasuusta. 

3. Liimaha

Liimahu qani waxa ay ku yihiin muhiim fitamin C, kaas oo ka hortaga asaasaqa. 

1 xabbo oo liin ah ayaad ka helaysaa baahidaada maalinleed ee fitamiin C ga. 

4. Beedka(ukun) 

Beedka waxa laga helaa nafaqooyin badan sida fitamiin B6 and B12 iyo choline, sidoo kale waa il wanaagsan oo laga helo protien, feero (iron) iyo choline. 

Yaraanshaha feeradu waxa ay la sababtaa niyad jab iyo warwar badan. 

Fitamin B waxa uu ka qayb qaataa samaynta dheecaamada Maskaxda.

5. Berries 

Miraha sida blueberry iyo strawberry ga waxa laga helaa nafaqooyin badan oo kala duwan sida fitamin K, fitamin C, magnesium, fiber iyo feero. 

Faiidooyinka badan ee laga helo na waxa ka mida: 

  • Maskaxda way ilaalisaa.
  • Warwarka waa ay yaraysaa. 
  • Hoos u dhigtaa khatarka Asaasaqa. 
  • Caabuqa (inflammation) maskaxda ayay hoos u dhigi kartaa. 

6. Coffee

Coffe ga waxa ku jira walax loo yaqaan caffeine, taas oo carisa hab dhiska neerfaha, horumarisa soo jeedka iyo firfircoonida. 

Cafeine ku waxa uu xanibaa dheecaanka loo yaqaan Adenosine kaas oo keena hurdada iyo caajiska guud ahaan. 

7. Huruuda ( Turmeric) 

Huruuda (Turmeric) waxa ku jirta walax loo yaqaan curcumin. 

  • Curcumin waxa ay caawisaa niyad jabka. 
  • Waxa ay caawisaa unugyada cusub ee maskaxda inay koraan. 
  • Niyadda waa ay u fiican tahay. 
  • Caabuqa ayay hoos u dhigtaa. 

8. Chocolate ka madaw. 

Chocolate ka ribbanaanta cocoa ga ku jiraa uu ka badan tahay 70% waxa la cadeeyay ina uu dhiig wareega maskaxda caawiyo, sidoo kale niyad jabka hoos buu u dhigaa, xasuustana wuu xoojiyaa. 

9. Lawska 

Lawska waxa jira nafaqooyin badan oo kobciya shaqada maskaxda sida Fitamin E, Fitamin C, iyo Feero. 

Akhris dheeraad ah: Dhiig Kar : Talooyinkan Raac Si aad uga Hortagtid Xanuunkan Dilaaga ah

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.