Socod kuwaa nooc jimicsiga ka mid oo qof walba samayn karo, uma baahnid ina aad qalab gaar ah haysatid ama aad gym tagtid, kaliya waxa aad u baahan tahay waa go’aanka ina aad socotid, kabo iyo meel aad ku socotid. 

Meeshaasi waxa ay noqon kartaa dayrka, wadada xaafada dhex marta ama park haddii uu kuu dhawyahay. 

Hadaba socodku jidhka faaidooyin badan ayuu u leeyahay oo qaar ka mid ah maqaalkan maanta kaga hadli doono : 

1. Socodka Waxa Uu Xoojiyaa Shaqada Wadnaha.

Socodku waxa uu kor qaadaa garaaca wadnaha, hoosna uu u dhigaa cadaadis dhiiga ( blood pressure) taas oo xoojisa shaqada wadnaha. 

Baadhitaan la sameeyay waxa uu sheegay ina dumarka maalintii 30 daqiiqo socda ina ay khatarta ay ugu jiraan xanuunka faaligu uu yaraado ilaa 20%.

2. Socodku Waxa Uu Xoojiyaa Lafaha Iyo Muruqyada. 

Haddii aad ka cabanaysid lafo xanuun ama murqo xanuun, tijaabi ina aad joogtaysid socodka, maadaama oo socodku xoojiyo murqaha lugaha, caloosha, yareeyana xanuunka.

Taladani gaar ahaan waxa ay caawinaysaa waayeelkeena, goorwalba waa ina aynu ku dhiiri galino inay ka kacaan sariirta oo ay socodka badiyaan, taasi waxa ay yaraynaysaa cabashooyinka xaga lafaha iyo muqyada la xidhiidha. 

3. Socodku waxa Uu Kor U Qaadaa Difaaca Jidhka. 

Baadhitaano badan ayaa waxa ay sheegeen ina socodku yareeyo hargabka, difaaca jidhkana kor u qaado.

4. Socodku Farxada Ayuu Kordhiyaa.

Marka aan socono jidhkeenu waxa uu soo daayaa dheecaan la idhaa la idhaa “endorphins” kaas oo ah xanuun biiye.

Dadka sida joogtada ah u jimicsida way ku yaryahay warwarka, niyadjabka iyo isku buuqu. 

5. Miisaan Ridista

Marka aynu socono jidhkeenu waxa uu gubayaa calories, taas oo keenaysa ina uu miisaan kaa dhaco. 

30 daqiiqo oo socod ahi waxa ay gubtaa ilaa 200 oo calories ah

Faaidooyinka kale ee socodka waxa ka mida: 

6. Awooda iyo firfircoonida kor ayuu u qaadaa.

7. Shaqada maskaxda ayuu xoojiyaa.

8. Tayada hurdada kor ayuu u qaada.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.