Hoos u dhaca miisaanka waxa jira waxyaalo badan oo keeni kara oo ay ka mid yihiin xanuuno sida caabuqyada kala duwan, sonkorawga, kansarka, iyo xanuunada la xidhiidha cunto cunista iyo nafaqo darrada. 

Waxyaalahan hoos ku qoran samee si aad miisaankaaga kor ugu qaadid: 

1. Kordhi Inta Jeer Ee Aad Wax Cuntid

Miisaankaaga marka uu yar yahay ama aad cuno xumo ku hayso waxa laga yaabaa ina aanad cunto badan doonin ama markaba aad dharagtid sidaas daraadeed ku dadaal ina aad maalintii 5-6 jeer aad wax cuntid. 

2. Caafimaadkaaga Guud La Soco

Dhakhtarkaaga kala hadal miisaankaaga, waxa aad ogaataa waxa ina miisaankaagu yaraado keenaya, ma xanuun baa jira! Ma nafaqo darro ayaa ku haysa iyo waliba sida aad u xallinaysid.

Dawaynta sababtu waxa ay xalinaysaa miisaan yarida.

3. Cunto Isku Dheeli Tiran Cun

Cunto isku dheeli tiran oo aad cuntid waxa ay hubinaysaa miisaaan caafimaad ah ina uu kugu kordho.

Cuntooyin noocyo kala duwan ah cun, joogteena qaadashada cuntooyinka carbohydrate ah sida bariiska, baastada, boorashka, roodhida, qamadiga iwm, adiga oo aan ilaabayn ina aad guud ahaan isku dheeli tirtid. 

Haddii aynu isku dheeli tiri wayno cuntada aan cunayno taasi waxa ay keentaa nafaqo darro.

4. Jimso

Jimicsigu faaidooyin badan ayuu jidhka u leeyahay, Jimicsiga gaar ahaan jimicsiyada muruq dhisida waxa ay xoojiyaan murqaha taas oo caawisa miisaanka.

Jimicsigu sidoo kale waxa uu kor u qaadaa abitite ka (rabitaanka cuntada) madaama oo awood badan jidhku isticmaalayo.

5. Ha Cabin Biyo Cuntada Ka Hor

Cabitaanka biyaha ka hor cuntada waxa uu kaa hor istaagayaa cuntada, oo caloosha ayuu buuxinayaa, taasina waxa ay keenaysaa ina qaadasha cuntada yaraato ama aad hore u dharagto.

Sidaas daraadeed ilaa 30 daqiiqo ka hor cuntada biyaha iyo sharaabada iska ilaali.

Sawirkan khudaar ayaa ka muuqda

Talooyinka kalena waxa ka mida: 

  • Ina aad ku dadaasho hurdo tayo leh ina aad seexatid. 
  • Qaadashada caanaha waxa cuntooyinka caanaha ka samaysan. 
  • Joogtee Cabitaanka sharaabada kala duwan. Y
Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.