Cuntada aynu cunayno jidhkeenu siyaabo kala duwan ayuu u isticmaala, mar awood ayuu ka samaystaa si aynu shaqooyinkeena maalin laha ah u qabsan karno, markalana nafaqooyin ayuu kala soo baxaa si unugyada jidhkeena baahida nafaqo ee haysa u buuxiyo, haddaba ilkaha waxa jira cuntooyin iyo nafaqooyin gaar ahaan ugu sii baahan yihiin kana mid yihiin: 

1.Caanaha iyo Wax kasta oo caano ka samaysan: 

Sida yoghurt ka ( caano fadhiga), cheese ka, subaga iwm, waxa ku jirta nafaqada loo yaqaan calcium ta taas oo xoojisa,awoodna siisa lafaha iyo ilkaha.

Sidoo kale afka waxa ay ku dhiiri galiyaan ina uu soo saaro candhuuf badan taas oo ka ilaalisa ilkaha suuska, kana hortagta horiinka bacteria da.

2. Kaarooga (Daba Casaha) 

Karoo ga waxa ku jira fitamin A iyo Fitamin C oo labaduba ay la shaqeeyaan xuubabka jidhkeena, caafimaad koodana kor u qaadaan.

3. Tufaaxa 

Tufaaxa waxa ku jira biyo badan, sonkorta ku jirtana aad ayay u yartahay, bal ayaad sidoo kale aad ka helaysaa.

Nususaacaha oo kale ayaad cuni kartaa tufaaxa adiga oo ku badalaya cuntooyinka kale ee laga yaabo ina ayna jidhkeena faaidooyin badan u lahay oo kale. 

4. Lawska 

Lawska waxa ku jira nafaqooyin badan oo faaido u leh ilkaha sida calcium, phosphorus,vitamin D, kuwaas oo ka hortaga suuska oo la dagaalama bacteria da keenta suuska.

Sidoo kale waxa ay ka caawiyaan afka ina uu soo saaro candhuuf badan oo iyana caafimaadka afka ka qayb qaadata. 

5. Khudaarta Cagaaran

Khudaarta cagaaran waxa ku buuxa nafaqooyin badan oo ilkaha kaliya maahee jidhka oo dhan faaido leh, badanka nafaqooyin ka jidhkeenu u baahan yahayna waa laga helaa.

Nafaqooyinkaas waxa ka mida florine oo ilkaheena muhiim u ah, adkaysa, ahna maadada dawada cadayga inta badan lagu soo daro.

Khudaarta cagaaran waxa ka mid ah khudaar kasta oo cagaaran sida koostada, saladhka, brocholliga iwm.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.

One thought on “Cuntooyinka Caafimaadka Ilkaha Kor U Qaada”

Comments are closed.