Cuntooyinkan hoos ku qoran dhamaantood waa cuntooyin taxadar badan u baahan inta aynaan caruurta siinin, qaar kamid ahi saamayno khatara ayay keeni karaan, halka kuwa kalena ilmaha faaido ayna u lahayn : 

1. Malabka 

Malabka waxa ku jirta bacteria keenta xanuun la idhaa butalism oo ilmaha khataro badan ku keeni kara oo ay ka mid yihiin curyaanimo,dhaawacna soo gaadhsiiya maskaxda.

Inkastoo xanuunkani dad badan ku dhicin balse caruurta sannadka ka yari way u nugul yihiin madaaama oo difaacoogu uu yaryahay sidaas daraadeed ayay dhakhaatiirtu ku talisaa ina ilmaha ilaa 1 sanno uu gaadhayo la siinin malab iyo wax kasta oo uu ku jiro malab.

Sidoo kale malabku macaan badan ayuu leeyahay, macaankana intii suurtagal ah waxa fiican ina aad ilmahaaga ka ilaalisid:

  • Macaanku ilmaha ilkiisa uma fiicana, gaar ahaan marka ugu horaysa ee ay ilkuhu soo baxayaan madaama oo ay ilkuhu jilicsanyihiin.

2. Sonkortu 

Ugu horayn, ilmahaagu sonkor uma baahna.

Ka fogow ilmahaaga ina aad ku barbaarisid macaanka, sababa badan aawadeed: 

  • Sonkortu wax nafaqo ku jirta ama ilmuhu ka faaidayo ma laha
  • Ilkaha ilmaha uma fiicna oo suus ayay ku keentaa
  • Waxa ay keentaa apitite xumo 

3. Laws

Lawska waxa jira dad badan oo xasaasiyad ku leh sidaas daraadeed caruurta waxa fiican ina aan la siinin ilaa inta ay ka gaadhayaan 5 sanno, sababkale oo aan loo siin karin waxa weeyaan lawsku waxa uu ku keeni karo ilmaha saxasho.

Fg: hadddi ilmaha aad xasaasiyad ku ogtahay ama xaafada inta kale ay xasaasiyad leedahay ha siinin lawska.

4. Milix

Milix badan waa ina ilmahaaga aad ka ilaalisaa, kalyaha uma fiicna.

Science yahanadu waxa ay ku taliyaan ina ilmaha mulqaacad badhkeed wax ka badan maalintii la siinin,hadaad ku karisid milix cuntada ilmaha oo dhanna si fudud ayaad u dhaafi kartaa intaas.

Sidoo kale niyada ku hay cuntooyinka warshadaysan milix way ku jiraa markaa iska akhri lebelka.

5. Beedka 

Beedka waxa uu ka mid yahay cuntooyinka xaga protiens ka ugu qanisan, caruurtana koriinkoodana u fiican, sidoo kale beed waxa jira caruur badan oo xasaasiyad ka qaada.

Baadhitaan maraykanka lagu sameeyay ayaa sheegay ina beedka 4% caruurta ay ku leeyihiin xasaasiyad.

Calaamadahan ayaad ka arki kartaa haddii uu xasaasiyad leeyahay: 

  • Shuban
  • Matag
  • Ilmaha oo neefsigu ku adkaado.
  • Qufac
  • Cuncun
  • Indhaha oo barara iwm.

Hadaad calaamadahaas ku aragtid dhakhtarkaaga kala tasho, beedkana iyo cuntooyinka uu beedku ku jiraba ka ilaali.

Fikirkaaga hoos nagula wadaag 🙂 

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.