Vitamin D gu waxa uu ka  mid yahay nafaqooyinka yaryar ee jidhkeenu u baahan yahay, vitaminkan meelaha aynu ka helno waxa ka mida cadceeda, faaidooyinka jidhkeena uu u leeyahayna waxa ka mida:

  1. Adkaanshaha Lafaha: Vitamin D gu jidhka waxa uu ka caawiyaa ina uu isticmaalo macdanaha calcium iyo phosphorus , kuwaas oo caawiya caafimaadka lafaha, kana hortaga xanuunada lafaha khafiifiya.
  1. Adkaynta Muruqyada : vitamin D oo jidhkaaga ka yaraadaa waxa uu karaa ina uu muruqyadu daciifaan taasina waxa ay kor u qaadaysaa khatarta kufitaanka gaar ahaan dadka waawayn.
  1. Kor u qaadka difaaca jidhka 
  2. Caafimaadka afka kor ayuu u qaadaa 
  3. Vitamin D gu waxa uu caawin karaa macaanka (sonkorawga) 
  4. Waxa uu caawiyaa daawaynta dhiigkarka 
  5. Miisaankana rididaankiisa wuu caawinayaa.
  6. Cancerada qaarna khatarahooda hoos ayuu u dhigaa.

Halkee Laga Helaa Vitamin D ga?

  1. Cadceeda : cadceeda marka ay maqaarka ku dhacdo, jidhkeenu waxa uu ka sameeyaa vitamin D ga sidaas daraadeed ayay muhiim u tahay ina aad cadceedsatid.

            Caruutana waa muhiim ina ay cadceed fiican helaan madaama oo vitamin yaraantu keento Rickets.   

Cuntooyinka laga helana waxa ka mid ah : 

  1. Kaluunka 
  2. Tunada ( Kaluunka Daasadaha) 
  3. Hilibka 
  4. Beedka 

Calaamada aad isku arkaysid haddii vitamin d gu kaa yaraado: 

  1. Hargabka oo aad u nuglaatid : jidhkeena faaidooyinka vitamin D gu u hayo waxa ka mid ah ina uu ka caawiyo la dagaalanka xanuunada, markaas haddii aad aragtid adiga oo si xanuunku kugu batay ama hargabku kugu soo noqnoqonayo waxa laga yaabaa ina uu vitamin D gu kaa yar yahay.
  1. Daal Badan : waxa jira waxyaalo badan oo keeni kara daalka, yaraanta vitamin D guna waa mid ka mid.
  1. Lafo Iyo Dhabar Xanuun : sida aynu kor kusoo sheegnay faaidooyinka vitamin D ga waxa ka mid ahaa ina uu kor u qaadi jiray caafimaadka lafaha, sidaas daraadeed waxa aad dareemi kartaa lafo iyo dhabar xanuun haddii vitaminkani yaraado.
  1. Nabarada Oo Hore U Bogsan Waaya.
  2. Timo Daadasho.
  3. Lafaha oo daciifa.
  4. Murqaha oo ku xanuuna.

.

Gabogabo: Vitamin D ga waxa aad toos uga heli kartaa cadceeda ee ku dadaal ina aad si joogto ah u cadceedsatid, haddayna suurtagal ahayna isku day cuntooyinka laga helo ina aad joogtaysatid.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.