Timahaagu Ma Daataan? Ma Bixi Laayihiin? Toxob Ma Yeeshaan? Jawaabtu haday “Haa” Tahay sii wad akhriska maqaalkan si aad u ogaatid talooyin ku caawin kara.

Mushkiladaha timaha waxa jira waxyaalo badan oo keeni kara, waxa ka mid ah: 

  1. Nafaqo Darro – nafaqoonyinka sida protienka, biotinta iyo zinc ga oo yaraadaa waxa ay sababi karaan timaha oo daciifa.
  1. Xanuun.
  1. Xilliga uurka hooyada waxa ay u nugushahay ina timo badan ay ka daataan sababtuna ay tahay dheecaamada is badalaya jidhka dhexdiisa.
Daryeel Yari – Timaha oo daryeel ku filan waayana sababaha way ka mid noqon kartaa.

daryeel yari waxa aan uga jeedaa: 

  • Timaha oo aan maydhis ku filan aan helin.
  • Timaha oo maydhista lagu badiyo.
  • Qalal ama basaas – cream ama saliid timahaaga naasiba adoon isticmaalin. 
  • Timaha oo aad biinka aad ugu adkaysid iwm.

Talooyinkan Raac Hadaad Hadaad Mashaakisha Timaha Aad Isku Aragtid: 

  1. Cunto Nafaqo Leh : waxaad ogaataa ina jidhkaaga wax gala uun dusha ay ka muuqdaan, jidhkaagu haddii uu nafaqo tabayo, ama xanuun jiro calaamadaha dusha ayaad ka arkaysaa, markaa ku dadaal qaadashada cuntooyin nafaqooyinka kala duwan ku jiraan.

Wax Ka baro Protiens ka iyo faaidada jidhkeena ay u leeyihiin

  1. Timaha Gafreedha Iyo Duugitaanka Ugu Roonow:

Waxyaalaha timahayga aad u caawiyay oo aan natiijo fiican ka arkay waxa ka mid ah ina weegii dhawr jeer timahayga mariyo kuna duugo saliid diiran, taasi waxa ay furaysaa follicles ka timuhu ay kasoo baxaan, waxana ay u wanaagsan tahay caafimaadka madaxa.

Saliida diirani sidoo kale hadaad maduxu ku xanuuno waa badbaado ee ila tijaabi 🙂 

  1. Timaha Ha Feedhin Marka Ay Qoyan Yihiin: 

Timuhu marka ay qoyan yihiin waxa ay aad ugu nugul yihiin jajab iyo daadasho, markaa intii suurtagal ah timaha marka aad maydhid ha iska qalalaan ee daa sidoo kalena ha feedhin.

Hablaha inta badan feedha timaha iyagoo qoyan waxa ay ka cawdaan ina timahoodu ka daadasho badan yihiin marka la barbar dhigo hablaha timaha oo qalalan feedha.

F.Q: 100-150 xabadood oo timaha ah inay maalintii go’aan waa caadi markaas ha nixin markaad aragtid timo dhulka daadsan marka aad timahaaga feedhid.

4.Xinne Iyo Beed Si Joogta Ah u Isticmaal.

Xinnaha iyo Beedka mari timahaaga si joogta ah, weegi hal mar haday suurtagal tahay.

Beedku waxa uu ka mid yahay ilaha ugu fiican ee aad ka heli kartid protien, xinnuhuna waxa uu u fiican yahay madaxa, sidoo kale daadashada timaha way ka yareeyaan.

Dad qaar ayaa jira oo ka cawda ina xinnuhu adkeeyo timaha una u fiicanayd, balse anigu isticmaalka xinnaha iyo beed ka labadaba aad bay timahaygu ugu bogeed markaa tijaabi.

Haddi ay jiraan waxyaalo adigu aad isticmaashid oo aad il iskaga garatayna hoos nagula wadaag si dhamaan aynu uga wada faaidaysano. 

  1. Ka Fogow Ina Timahaaga Maalin Walba Inaad Maydhid.

Madaxeenu saliido ayuu leeyahay caafimaad ka timaheena iyo koriin kooda dawr muhiim ah ka ciyaara, hadaad maalin walba timaaga maydhidna jaanis ma helo madaxeenu ina uu saliidahaas soo saaro.

Isku 3-4 cisho ba ina hal mar aad maydhid.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.