Ma ogtahay jidhku ina uu ka kooban yahay 60% biyo, biyahaas oo lagama maarmaan u ah shaqada maalin laha ah ee jidhkeena, sidaas daraadeed maanta waxa aynu isla eegi doonaa faaidooyinka biyaha oo aad cabtaa jidhka u leeyihiin : 

Heer Kulka Jidhka

Biyo kugu filan oo aad cabtaa waxa ay lagama maarmaan u yihiin heer kulka jidhka, jidhkeenu marka uu kululaado waxa dajiya dhididka oo ah biyo lagu kaydiyo maqaarka hoostiisa.

Biyaha aad cabaysa oo yaraada waxa ay jidhkaaga ku keenaysaa fuuq bax kaas oo saamayn iyo qalayl.

  1. Waxa ay ka qayb qaataan sumaha saaristooda.

Haday tahay dhidid saxaro, iyo kaadi intaba waxa habab jidhkoonu qashinka iyo sumaha jidhka uga saaro, biyuna intaba lagamaarmaan ayuu u yahay.

Biyaha oo qaadashadoodu yaraata waxa ay sababaysaa : 

kaadidaada oo ribanaata taas oo dhibaatayn karta kalyaha, saxarada oo adkaata oo keeni karta calool istaag iyo adoo dhididi waaya oo sumahii dhidid ka kusoo bixi jiray si loo saaro la waayo.

  1. Biyuhu Unugyada Jidhka Ayay Oxygen Ka Gaadhsiiyaan.

Dhiigu waa gaadiidka uu jidhkeenu isticmaalo si uu xubnaha iyo unugyada jidhka u gaadhsiiyo oxygen ta iyo nafaqooyinka kale, hadaba dhiigu waxa uu ka kooban yahay 90% biyo.

  1. Biyuhu waxa ay lagama maarmaan u yihiin shaqada maskaxda.

Waxa ay caawiyaan soo saarada dheecaanada maskaxda, jidhkaaga haduu fuuq bax ku imaado waxa ay saamaynaysaa shaqada maskaxda wax ayna keeni kartaa dawakhaad, adoo fahanku kugu yaraado, iyo madax xanuun.

  1. Waxa ay caawisaa dheefshiidka jidhka 

Science yahanadu waxa ay cadeeyeen cabitaanka biyaha kahor iyo kadib cuntada ina ay caawiyaan dheefshiidka cuntada sidoo kale: 

  • Biyuhu waxa ay caawiyaan soo saarinta candhuufta oo ah halka uu ay burburinta cuntadu ka bilaabmanto.
  • Sidoo kale biyuhu waxa ay ka qayb qaataan soo saarista dheecaanada dheefshiidka.
  • Calool istaagana waa ay ka hor tagaan biyuhu.
  1. Cabitaanka Biyuhu Waxa Ay Caawiyaan Difaaca Jidhka.

Fuuq bax jidhka ku imaadaa waxa uu u nugleeyaa caabuqyada iyo xanuuno kala duwan inay ku dhacaan.

Mahiimadu Waxa Ay Tahay: 

Inay Biyuhu lagama maarmaan u yihiin jidhkeena, cabitaanka biyuhuna waa wax loo baahan yahay ina ay goorwalba niyadeena ku jiraa sidaas daraadeed xasuusnow dhawrkan shay : 

  • Cabitaanka biyaha ina aad ilawdaa way fududahay marka aanad arkayn ama uu kaa fogyahay sidaas daraadeed samayso caagad aad biyaha ku cabtid oo kuu gaara, marka aad baxaysid qaado, marka aad guriga joogtidna is agdhig.
  • Hadii aanad jeclayn dhadhanka biyaha ama aad ku yaalugootid (lalabo) ku dar liin dhanaan.
  • Alarm kaaga ku buuxso inay ku xasuusiyo biyo cabka dhawr jeer maalintii.
  • Aroortiina ku bilaw maalintaada koob biyo ah, haday suurtogal tahay mid diiran.
  • Ku badal sharaabada sonkorta badan ama soda ha leh biyo, sonkortaas jidhkaaga galaysana waad ka badbaadinaysaa, fuuq celina waad heshay, waxa ay ka caawinaysaa ina uu miisaanku kaa dhaco. 
Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.