Ma runbaa ina ay joogtaynta tahay hubka sirta ah ee guulasta kasta!!



Waligaa ma istidhi wax cusub bilaw

Naftaada Horumari!

Ganacsi Cusub Bilaw! 

Caafimaadkaaga horu mari oo sonkorta iska daa! 

Kadibna waad qorshaysay  adiga oo aad u xiisaynaya, sugi karina la inta natiijada dadaalkaaga  aad aragkaysid.

Maalintii 1aad,2aad, iyo maalintii 3aad waad samaysaybalse maalintii 4aad waad yara mashquushay, lagayaabaa caruurtaa ama guriga ayay hawli kaaga sookorodhay ama hawl ayaad yeelatay oo waad baxday kadibna waxa aad istidhi barri ba waad samaynaysaayemaanta hawsha kale iska dhamee. 

Maalintii ayaa kuugu dambaysay oo waad joojisay! Kaligaa ma tihid haddii ay tan oo kale kugu dhacdo, cidwalba oo wax fiican oo ku cusub rabta inay bilawdabamushkiladan way la kulantaa.

Joogtayntu waa imtixaanka dhamaanteen la inaga raboinaan ku guulayso haddi aynu rabno ina aynu nolosheenawax qabsano.

Sidee Aynu Markaa U Joogtayn Karnaa?

1. Qorshe Cad Samee

Haddii aanad garanayn meesha aad ku socotid way adag tahay ina aad wadada saxda qabsatid, sidaas daraadeed qabso hadaf cad.

Hadafkaaga wuu yaraan karaa ama wuu waynaankaraa, tusaale ahaan ha odhan lacag baan rabaainaan uruursado! Balse waxa aad tidhaahdaawaxa aan rabaa ina aad uruursado $100 shantabilood ee soo socda.

Taasi waxa ay keenaysaa ina ay maskaxdaadafikrad cad ka haysato meesha ay u socoto, ina aadjoogtaysidna waa ay kuu fududaynaysaa.

2. Naftaada Sheekadeeda Ha Dhagaysan

Nafteena waa cadawga 1aad ee ay tahay ina aynuka taxadirno gaar ahaan marka aad hadafleedahay, markaa ay hawli kuu taalo ayay kusooweeraraysaa, ku leedahay waad daalan tahay eeinyar iska fadhi, video gan uu dhamayso, saaxiibaa la hadal waa warkaas macnaha badanlahayn u sheeg.

Haddii aad dhagaysatidna waxa aad ogaataahadaf kaagii aad samaysay waad ku guuldaraysatay, hadaad iska qaban waydidna ogownoloshaada ina aanad gaadhayn.

3. Naftaada Canaanta Ka Yaree

Canaanta naftu waa hub kale oo naftuisticmaasho marka ay rabto ina ay kaa joojiso inaaad wax qabatid.

Haddi aad hal maalin samayn waydid wixii kuuqorshaysnaa waxa ay ku dareen siinaysaa ina aadguul darayste tahay oo aanad waligaa hadafkaasaanad gaadhayn.

“Ha Dhagaysan, Waa Cadaw”

4. Hadafkaaga saaxiibkaa la wadaag

Fikradaada iyo hadalkaaga marka aad qof la wadaagtid waxa ay kaacaawinaysaa ina aad gaadhid madaama oo qofkaasi ku waydiin doonomarka aad is aragtaan ba sidoo kale laga yaabaaba ina uu kugu dhiirigaliyo.

5. Ha Noqon Qof Si Fudud U Niyad Jaba

Ha noqon qof marka uu hal mar kufo kici waaya, niyad jaba oo istaaga.

Ka fikir ilmaha yar marka uu socodka baranayo imisa jeer ayuu dhacaainta uuna istaagin!

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.

One thought on “Joogtaynta : Hubka Sirta Ah Ee Guulaystaha”

Comments are closed.