Shaahu waxa uu ku jiraa cabitaanada ugu badan ee caalamka laga isticmaalo iyo wadankeenaba, sidoo kale shaahu faaidooyin badan ayuu jidhka u leeyahay, waxana ka mida: 

1.  Waxa Uu Kor U Qaadaa Caafimaadka Wadnaha

Shaaha waxa ku jira nafaqo loo yaqaan flavonoid taas oo caafimaadka wadnaha u fiican.

Sidoo kale nafaqadan waxa laga helaa khudaarta iyo jokolaatada madaw.

2. Shaahu Waxa Uu Yareeyaa Khatarta Kansarka

Waxa jira in kabadan 100 nooc oo kansar ah, kuwaas oo mushkilada ugu badan ee ay leeyihiin ay tahay ina ay si dagdag ah u faafaan.

Baadhitaano badan oo shaaha laga sameeyay ayaa cadeeyay ina maadada ku jirta shaaha ee loo yaqaan polyphenols ayaa sheegay ina shaahu yareeyo koriinka kansarka.

Baadhitaanada lagu baadhayo xidhiidhka ka dhexeeya shaaha iyo cancer ku wali way socdaan.

3. Waxa Uu Kor U Qaadaa Caafimaadka Cunto-Mareenka 

Cunto Mareenka laga bilaabo afka ilaa iyo midhicirada waxa ku jira bacteria aad u badan oo la shaqaysa difaaceena kana hortagta xanuunada ( waa bacteria fiican).

Shaaha waxa uu la shaqeeyaa bacteria yadaas oo uu ka caawiyaa xaga koriinka.

4. Shaahu Fahanka Ayuu Caawiyaa

Shaaha waxa ku jira caffeine kaas oo kor jidhka toosiya,firfircoonaantana kor u qaada.

Koob shaaha oo inta aanad shaqada galin aad cabtaa waxa uu ku wadayaa saacado dhan oo uu awood ku siinayaa.

Faaidooyinka shaaha waa inka mid ah uun, faaidooyin badan oo kale ayaa jira oo ay ka mid yihiin : 

5. Cholesterol ka ina uu hoos u dhigo.

6. Dhiig karka hoos u dhigo.

7. Khatarta faaliga yareeyo. Iwm 

Faaidooyinkaa badankooda waxa saameeya habka aad u diyaar sanaysid shaaha, dadka qaar badan ayaa jira oo shaaha ku dara sonkor badan, caano badan taas uu hoos u dhigaysa tayada iyo faaidooyinka guud ahaan aad ka heli lahayd koob kaa shaaha ah.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.