Candhuufta waa dheecaan shaqooyin badan jidhkeena iyo dheefshiidkeena u haya, sidoo kale leh faaidooyin badan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin : 

1. Dheefshiidka 

Afka waa halka cuntadu ay afka kasoo gasho, waana halka dheefshiidka ugu horeeyaa uu ka dhaco, ilkaha iyo candhuuftu waxa ay burburiyaan cuntadii jidhka soo gashay, iyaga oo u sahlaya caloosha iyo midhicirada dheefshiidka inta kale.

2. Cundhuuftu Waxa Ay Ka Hor Tagtaa Suuska

Cuntada ay cunayno awadeed waxa ku ururi kara afka bacteria, virus iyo waxyaalaha kale ee laga yaabo ina ay cuntadeena la socdaan, haddaba, candhuuftu waxa ay ka hortagtaa ina wax yaalahaas qabsadaan ilkaha oo ay suus ku noqdaan.

Sidoo kale candhuufka waxa ku jira calcium iyo phosphorus oo ah macdano ilkaheena iyo lafaheena u fiican oo adkeeya.

3. Bogsiinta Nabarada

Nabarada afka ku imaadaa waxa la arkaa ina ay ka hor bogsan ogyihiin nabarada meelaha kale ku dhaca, taas waxa sabab u ah candhuufta.

Candhuuuftu waa ay dadajisaa bogsadka nabarada, sidaas daraadeed ayaad waxa jira dhaqamada qaar candhuufka u isticmaala dhaymo ahayn, iyo sidoo kale xayawaanada iyagana waxa aad arkaysaa iyaga oo candhuuftooda u isticmaalaya nabarada meelaha ay kasoo gaadhay.

4. Nadaafada Afka Ayaa Ay Ilaalisaa 

Ilka waxa ay ka ilaalisaa ina wax cunto ahi qabsato,sidoo kale wareega candhuufta afka dhexdiisa waxa uu keentaa ina afkeenu nadiif ahaado oo wixii dheeraad ah ba laga saaro.

5. Candhuuftu Waxa Ay La Dagaalantaa Urta Afka 

Wareegaa candhuufta afka dhexdiisa waxa ay saartaa wixii qashin ahaa ee qabsan lahaa iliga, kadib na urta keeni lahaa.

Sidee Ayaa Aad U Badin Kartaa Soo Saarka Candhuufta? 

  1. Biyo Badan Cab.
  2. Caado ka dhigo ina aad calalisid xanjo bilaa sonkor ah.
  3. Si joogto ah u cadayo oo ku dadaal nadaafada afkaaga.
  4. Ka fogow cuntooyinka basbaaska leh ama acid dha badani ku jirto. 
  5. Haddii marka aad waxaas oo dhan samaysid wali afka qalayl aad ka dareentid dhakhtar kaaga kala tasho.
Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.