Iron ta waa macdan faaidooyin badan jidhka leh, yaraanshaha irontu waxa ay sababtaa mashaakil badan sida wareega dhiiga oo khalkhala, jidhka oo nafaqo ku filan heli waaya, oxygen ta oo unugyada ka barata iyo waxyaalo kale oo badan. 

Faaidooyinka Ironta (feero) waxa ka mida: 

1. Iron ta waxa ay muhiim u tahay samaynta Hemoglobin ta. 

    Hemoglabinta waa walax muhiim ah oo laga helo dhiiga, waxa ay ka qayb qaadaataa samaynta unugyada dhiiga ee cas, shaqadeeduna waxa ay tahay ina ay caawiso qaaditaanka oxygen ka. 

    Iron ta waxa ay muhiim u tahay samaynta hemoglabinta iyo qaybinta dhiiga iyo oxygenta. 

    2. Iron ta waxa ay caawisaa qaybinta nafaqada.

      Iron ta qayb muhiim ah ayay ka tahay samaynta unugyada dhiiga cas, qayb muhiim ahna waxa uu ka ciyaara wareega dhiigaa, iyo qaybinta nafaqada. 

      3. Tayada hurdada ayay kor u qaada. 

        Ironta waxa ay ku jirtaa macdanaha loo qoro dadka ka cabanaya hurdo xumada, sababta waxa weeyi ina iron tu yarayso daalka, jidhkana oxygenta gaadhsiisaa, taasna tayada hurdada ayay kor u qaadaa. 

        4. Waxa ay muhiim u tahay caafimaadka timaha.

          Irontu waxa ay kor u qaadaa caafimaadka timaha, dhiig iyo oxygen ku filan ina ay timaha helaan ayay caawisaa. 

          Calaamaha lagu garto yaraansha irontana waxa ka mida daadashada timaha. 

          Halkan ka akhri: Daadashada Timaha Maxaa Sababa?

          5. Difaaca jidhka ayay muhiim u tahay. 

            Shaqooyinka ay iron tu jidhka ka dhex qabato waxa ka mida ina ay la shaqayso difaaca jidhka. 

            Yaraanshahana waxa uu sababaa qofka ina uu u nuglaado xanuunada kala duwan, hore na nabarada u bogsan waayaan. 

            Cuntooyinka laga helo Iron ta ( Feero) 

            Cuntooyinka laga helo Ironta waxa ka mida: 

            • Hilibka, digaaga, iyo kaluunka. 
            • Beedka ama ukunta.
            • Beans, Harikooga, cadaska, digirta. 
            • Khudaarta qaar sida koostada iyo baytaraafka. 
            • Lawska, iyo sabiibka. 

            Calaamadaha lagu garto yaraanshaha

            1. Maqaarka oo qalala ama cawl naada ( pale skin) 
            2. Daal iyo awood darro. 
            3. Neefsiga oo adkaada. 
            4. Wadnaha oo garaaciisa uu kordho. 
            5. Madax xanuun badan. 
            6. Qanjo xanuun. 
            7. Timaha oo daata. 
            Facebook Comments
            U Faaidee qof kale

            By Asma Ismail

            Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.