Cananaas ka waa khudaar qani ku ah nafaqooyin badan sida vitamin c, vitamin b iyo potassium, jidhkana waxa faaidooyin badan ayuu u leeyahay, waana khudrad macaan oo ay fududahay ina cuntooyinka kala duwan lagu daro sida sharaabada iyo macmacaanka.

Haddaba, faaidooyinka badan ee cananaas ka uu jidhka u leeyahay waxa ka mida: 

1. Cananaas ka Dheefshiidka jidhka ayuu caawiyaa

Cananaas ka waxa ku jira dheecaan loo idhaa “bromelain”, dheecaankaas waxa uu yareeyaa dibirada, waxa uu hoos u dhigaa lalabada ama yalaalugada sidoo kale waxa uu ka qayb qaataa burburinta protienka si jidhka u nuugi karo. 

Sidoo kale Cananaas ka waa il waxaagsan oo laga helo fiber (bal/gal) kaas oo caafiimaadka midhicirada u wanaagsan, caawiyana calool istaaga. 

2. Difaaca jidhka ayuu kor u qaada 

Barigii hore waxa jiray dhaqano badan oo cananaaska u isticmaali jiray dawo dhaqameed, waxa la siin jiray dadka hargabka uu hayo iyo qandhada. 

Cananaaska waxa ku jira nafaqooyinka sida fitamin c iyo  bromelain kuwaas oo dufaaca jidhka xoojiya, caabuqa (inflammation) kana yareeya. 

3. Waxa uu xoojiyaa lafaha, ilkaha iyo muruqyada 

Macdanaha xoojiya ama taageera lafaha iyo ilkaha waxa ka mida manganese iyo calcium, labadaba cananaaska way ku jiraan, 

Sidaas daraadeed cunista cananis ka waxa uu caawinayaa ciridka, waxa uu adkeeyaa ama xoojinayaa ilkaha iyo lafaha. 

4. Cananaas ku waxa uu u fiican yahay timaha iyo maqaarka

Cananaaska waxa ku jira fitamin c oo maqaarka u fiican, waxa uu caawin karaa haaraha,finanka ama hadaad rabtid ina wajigaaga iyo maqaarkaaga ba nuuraan, cananiska cunistiisa joogtee. 

5. Bogsadka nabarada ayuu dadajiyaa 

Cunista cananaska waxa uu dadajiyaa bogsadka nabarada qaliin ka kadib, waxa uu yareeyaa bararka, xanuunka iyo caabuqa guud ahaan, sababtana waxa ay tahay dheecaanka (enzyme) la yidhaa bromelain kaas oo caabuqa guud ahaan hoos u dhiga. 

6. Cananaas ka waxa laga yaabaa ah ina uu miisaan ridka caawiyo

Inkasta oo baadhitaan dheeraad ah loo bahan yahay cananaaska waxa laga yaabaa ina uu caawiyo miisaan ridka. 

Baadhitaano la sameeyay waxa ay tusinayaan in laga yaabo isticmaalka ananaska yareeyo ururka duxda. 

Xaga kalena Cananaska waa khudaar macaan, nafaqo badan ku jirto, calories ka ku jirana ay yartahay, sidaas daraadeed waxa cananaaska uu kuu badalli karaa macmacaanka taasna miisaanka ayay hoos u dhigi kartaa. 

Akhris dheeraad ah: Faaidooyinka Cajiika ah ee Liin Qarbooshta

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.