Daryeelka jidhku qayb wayn ayuu ka yahay quruxdaada, jidh dhalaalaya, jilicsan oo laga dul subkado daryeel joogta ah ayuu u baahan yahay iyo shaqo badan.

Qof walibana waxa uu leeyahay hab qaar ah oo u jidhkiisa u dar yeelo iyo waxyaalo gaar ah oo uu sameeyo.

Kuwani waa qaar ka mida: 

Cadceeda Tooska Ah Iska Ilaali

Cadceeda oo toos jidhkaaga ugu dhacdaa wax ay kugu keeni kartaa tajaaciid ( wrinkles ), haaro, jidhkaagu ina uu qalayl noqdo iyo waliba cancer ka maqaarka sidaas daraadeed ayay muhiim u tahay ina intii suurtagal ah aad iska ilaalisid:

  • Marso creamada cadceeda kaa ilaalinaya ( sun protection).
  • Iska ilaali cadceeda 10am iyo 4pm, saacadan faliidhaha cadceedu aad bay u xoogan yihiin.
  • Ka fogow xidhashada midabada cadceeda soo jiita marka ay cadceedu kulushahay.

Sigaarka Ha Cabin 

Cabitaanka sigaarku qofka waa ay gaboojisaa, jidhkaaga iyo wajigaagaba way isku soo uruurisaa, xididada dhiiga qaada way yareeyaan taaso oo sababta ina dhiiga iyo nafaqooyinka maqaarka soo gaadhayaa yaraado.

Jidhkaaga si tartiib ah u daryeel 

Maxaan ugu jeedaa? Nadiifinta maalinlaha ah, xiirista, saabuun naha iyo creamada aynu isticmaalno way ku cuslaan karaan jidhkeena sidaas daraadeed: 

  • Wakhtiga aad maydhatid soo koob : dadbaa jiraa jecel inay wakhti dheer qubaystaan ama biyo kulul ay ku maydhaan taasina ma wanaagsana oo oo duxda maqaarka ayay ka qaadaysaa sidaas daraadeed soo koob maydhashadaada kuna maydho biyo diiran.
  • Ka fogow saabuunaha adag: sabuunaha adag jidhka waxa ay ka qaadaan duxda oo qalayl ayay kugu  keenayaan sidaas daraadeed dooro shampo ama saabuun jilicsan.
  • Jidhkaaga tartiib u qalaji : marka aad qalajinaysid jidhkaaga tuwal ka ha ku xoqin balse saarsaar uun.
  • Dhaashiga ugu roonaw jidhkaaga: isku day ina jidhkaaga ugu yaraan 2 jeer aad dhaashisid adiga oo isticmaalaya cream maqaarkaaga naasibaya.

  Maqaarkaaga naasibaya waxa aan uga jeedaa jidhkeenu noocyo kala duwan ayuu  n oqon karaa: 

  • Mid dux ama siliid leh 
  • Mid Qalalan 
  • Iyo mid caadi ah 

 Mid walibana waxa uu leeyahay daryeel iyo creamo u gaar ah, markaas dhaashi adiga  ku naasibaya isticmaal.

Cunto Nafaqo leh 

Jidhka daryeel kiisu waxa uu ka bilaabmaa gudahiisa, haddii aad cunaysid cunto isku dheeli tiran waxa aad ogaataa dushaada waa ay ka muuqanaysaa, sidoo kale haddii aanad si fiican wax u cunayn, biyo badan isticmaalaynin oo aanad cuntadaada guud ahaan ku baraarug sanayn waa ay kaa muuqanaysaa.

Warwarka Iska Yaree 

Warwarka badan ee xadka ka baxsan waa uu dhibaatayn karaa jidhkaaga, sidaas daraadeed hadaad iska dareentid warwar badan oo xadka ka baxsan ku dadaal ina aad hurdo kugu filan heshid, salaada iyo ducada aad badsatid, sidoo kale waxaa aad ka warwarsan tahay xalkeeda raadi adoo xooga saarayaa waxyaalaha aad qaban karaysid, wixii gacantaada ka baxsana iska dhaaf oo alle talo saaro.

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.

One thought on “Daryeelka Maqaarka”

Comments are closed.