Daadashada timaha waa mushkilad haysata dad badan, sababtana timaha ina ay khafiifaan, yaraadaan, iyo ina ay dib u durkaan. 

Haddaba, inta xal ka aan la gaadhin waxa muhiim ah ina aan fahano waxa keeni kara ina timaha ay daataan. 

Wax yaalaha keeni kara ina ay timmahu daataan waxa ka mida: 

1. Cudur ama Xanuun 

Daadashada timahu waxa ay calaamad u noqon kartaa cuduro ama xanuun badan oo ay ka mid yihiin xanuunada thyroidka ku dhaca, kansarka, sonkorowga iyo caabuqa lafta madaxa ku dhaca.

2. Nafaqooyinka qaar oo jidhka ka yaraada

Nafaqooyinka sida biotin, feero, zinc iyo fatimin D waxa ay muhiim u yihiin koriinka iyo nafaqaynta timaha, yaraanshaha nafaqooyinkaasna waxa ay ku sababaan timaha hagaas iyo daadasho. 

Cuntooyinka laga helo nafaqooyinkan waxa ka mida: 

  • Hilibka 
  • Digaaga 
  • Kalluunka
  • Koostada 
  • Beans ka 
  • Cadaska
  • Caanaha 
  • Lawska. 

3. Warwarka Badan 

Warwarka iyo fikirka badan waxa uu khalkhaliyaa dheecaamada jidhka, waxa uuna sababaa calaamado badan oo ay ka mid tahay daadashada timuhu. 

4. Dawooyinka qaar

Dawooyinka iyo chemicals ka qaar ayaa daadashada timuhu sababi kara sida dawooyinka kansarka, dawooyinka dhiiga khafiifiya qaar ka mida, kiniinada kala koriyaha iyo dawooyinka thyroidka. 

Dhakhtarkaaga kala hadal haddi dawo adoo qaadanaya aad isku aragtid ina timahaaga daadanayaan. 

5. Xijaabka iyo masarada xooga la iskugu giijiyo 

XIjaabka iyo masarka oo la isku giijiyaa waxa ay keeni karaan ina ay timaha daataan ama ay dib u durkaan, sidaas daraadeed: 

  • Dabci masarka iyo xijaabka, hana isku giijin. 
  • Duubka ama biinka timahana aad ha u giijin. 

Fiiro Gaara: Daawaynta ama xalka  timo daadashadu waxa ay ku xidhan tahay sababta keentay sidaas daraadeed ayay muhiim u tahay ina talaabada koobaad ee haajinta timaha ay noqoto baadhitaanka sababaha keeni kara. 

Haddi sababta keenaysa timo daadashada ay tahay xanuun, dawooyin ama xaalad caafmaad waa muhiim ina dhakhtar aad la tashatid. 

Akhris dheeraad ah: Daryeelka Timaha – Talooyinka Raac Oo Kor U Qaad Caafimaadka Timahaaga!

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.