Laws ku waxa ku jira nafaqooyin badan, faaidooyin badana wuu leeyahay, maqaalkan waxa aynu iskula eegi doonaa faaidooyinkaas qaar ka mida: 

1. Vitamin E ayaa laga helaa 

Laws ku waxa uu qani ku yahay nafaqada loo yaqaan vitamin E ga, kaas oo faaidadiisu tahay: 

  • Kor u qaadka caafimaadka indhaha
  • Ilaalinta maqaarka 
  • Ilaalinta xuubabka jidhka iwm.

2. Hoos u dhiga chlostrol ka 

Baadhitaan la sameeyay ayaa cadeey ina cunista lawsku hoos u dhigto chlostrol taas oo ay keenayso vitamin E ga laga helo lawsku. 

3. Miiska Jidhka 

Lawska nafaqooyinka ku jira aawadii waa cunto culus oo caloosha hore uga bixin, qaadashadiisuna waxa ay yaraysaa gaajada iyo rabitaanka cuntada, taas oo yaraynaysa inta calorie ee maalintii jidhkaaga galaya. 

Sidoo kale qaadashada badan ee lawsku waxa ay kaa caawinaysaa ina uu miisaan ku koro

4. Lawska waxa ku jira nafaqooyin badan

Lawsku waxa ku jira nafaqooyin badan oo ay ka mid yihiin: 

  • Protien 
  • Dux 
  • Manganese 
  • Magnesium 
  • Vitamin E 
  • Copper 
  • Vitamin B12 
  • Phosphorus 

5. Dhiig yarida 

Lawsku waxa uu caawiyaa dhiig yarida, sida hore aynu usoo sheegnay waxa ku jira copper iyo vitamino kale oo caawiya soo saarista hemoglobin ta. 

6. Daadashada timaha 

Sababaha keena daadashada timaha waxa ka mida jidhka oo ay ka yaraato magnesiumtu, magnesium kana lawska waa uu ku jiraa sidaas daraadeed daadashada timaha iyo bixin toodaba way kaa caawin kartaa. 

7. Sonkorta dhiiga ku jirta hoos ayuu u dhigaa

Lawska carbs aad bay ugu yaryihiin, waxana ku badan protienka iyo balka (fiber), sidoo kale waxa ku jira magnesium.

8. Dhiig karkana wuu caawiyaa 

Dhiiga oo xoog u sareeyaa waa waxa ugu badan ee keenaa wadno istaaga, faaliga iyo kalyo istaaga. 

Magnesium ta lawska ku jirtana waxa ay hoos u dhigtaa dhiiga. 

Maxaa dhacaya hadaad isku badisid?

Wax walba xad ayay leeyihiin aan loo baahnayn ina aynu dhaafno, haddii qaadashada lawsku aad isku badisid waxa aad ku garan kartaa: 

  • Yalaalugo
  • Matag
  • Liqitaanka oo kugu adkaada 
  • Shuban 
  • Naqaska oo ku qabta 
  • Cun cun badan 
Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.