Qalabkan caafimaad waa muhiim ina ay gurrigaaga yaalaan ama qaar ka mida ugu yaraan.

1. Qalabka Lagu Cabiro Xumadda ( Thermometer)

Thermometer waa qalab yar oo cabira heer kulka jidhka, waxa uu kuu sheegaya qofka aad ku eegtay xumadiisu (Qandhadiisu) halka ay marayso taas oo kaa caawinaysa ina aad markiiba talaabo munaasib ah qaadid, hadday noqoto ina aad dawo siisid ama kaliya aad nafistid oo aad ogaatid ina ayna xumadi jirin.

2. Qalabka Miisaanka Lagu Cabiro

Miisaankaaga ina aad si joogta ah ula socotaa waa u muhiim qofwalba, haddi aad la socotid miisaanka jirkaaga waxa ay kuu fududaynaysaa ina aad fikrad fiican ka heshid xaalada jirkaaga ku sugan yahay, tusaale ahaan: 

  • Haddi aad aragtid ina uu miisaan kugu kordhay waxa laga yaabaa ina aad sababta fahantid, ma macaan badan baad cuntay talow! Ma socodkii iyo jimicsigiibaad yaraysay iyo iwm, kadibna aad ka shaqaysid ina aad sababtaas xalisid.
  • Haddi aad aragtid ina uu kaa dhacayna sidoo kale sababta ayaad fahmaysaa oo waad xalinaysaa.

3. Qalabka Dhaymaha

Gurri walba aad ayay muhiim u tahay ina uu yaalo alaabaha dhaymaha si wixii shil fudud ah ee gurriga dhexdiisa ka dhaca aad u maarayn kartid.

Qalabka dhaymaha waxa ka mida:

  1. Faashad ama bandage – waxa aad ku duubi kartaa haddi dhaawac yimaado.
  2. Cudbi 
  3. Dareere antiseptic ah sida iodine ta oo kale
  4. Plaster

Marka aad diyaarisid qalabkaasna waxa aad dhigtaa meel dadka xaafada jooga oo dhani ay ogyihiin.

4. Qalabka Dhiiga lagu cabiro (Bp Monitor)

Qalabka dhiiga lagu cabiro ina aad ku haysatid gurrigu waa ay fiican tahay gaarahaan haddi ay guriga joogo qof wayn ama qof dhiigkar leh.

5. Dawooyinka

Dawooyinka garaaca kuwa aad ka isticmaashaan gurriga ha yaalaan iyo hadday jiraan dawooyin kale oo xaafada cid ka midi ay qaadato oo muhiim ah sida dawada xiiqda oo kale.

Dhawr dawo meel qaar ah aad dhigtid oo aad hore uga sii fikirtid waxa laga yaaba ina ay xaalado adag kaa badbaadiso. 

Facebook Comments
U Faaidee qof kale

By Asma Ismail

Asma Waa Qoraa Wax Ka Qorta Nafaqada, Caafimaadka Iyo Horumarinta Nafta, Waxa Ay Dagan Tahay Wadanka Imaaraatka Carabka, Waana Aasaasaha Siha Academy.